Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo xafiiskiisa ku qaabilay William Hague
February 2, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Birtain William Hague oo saaka Muqdisho soo garay.
William Hague iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii ay madaxada DFKM uga dhaadhicin lahaayeen ajandaha shirka ay marti galinayso Birtain kaas oo lagu wado in uu ka furmo London 24-Feb 2012.
Markii uu soo idlaaday kulankii ay wada qaateen Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed iyo hoghayaha arimaha dibadda dalka Ingiriiska William Hague ayaa waxay la hadleen saxaafada waxaana uu sheegay Mr.William Hague in madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed in uu ka aqbalay ka qeybgalo shirka ka dhici doono London 24 Feb 2012 kaas oo looga hadli doono arimaha Soomaaliya.
no images were found
Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif ayaa la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in uú ku faraxsan yahay in wafdiga ka socda dalka Birtain ay soo gaaraan Muqdisho wuxuuna ka gudoomay sidoo kale waraaqdii aqoonsiga safiirka cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magacawday Soomaaliya .
A/Cawale
Halgan.net