Dugsi ku yaal California oo (DAACISH) gabar muslimd ah ku magcaabay
May 13, 2016 - Written by EditorCalifornia :-Iyadoo ay dadka wax indha indheeyaa ku timaameen dhacdadan mid ka tarjumaysa midab takoorka ka ka jira wadamada reer galbeedka ayaa School ku yaal California wuxuu ku magcaabay Gabar Muslimad ah (ISIS) oo ah magaca ururka (DAACISH) marka la soo gaabiyo,, horjoogayaal Maraykan ah ayaa waxay sheegeen in Dugisigu ka codsaday ardayda soo celinta 300 oo Nuqul kana mid ah rajistarka sanadlaha ee ardayda magacyadooda iyo sawiradooda lagu qoro kaas oo lagu qoray magacaas gabar muslimad ah oo xijaab ka xirata si kama ah.
Magacaan ayaa lagu hoos qoray gabadhan oo dhoola caddaynaysa (ISIS Philips) ka dibna ardaydayadii waxay soo dhigtay sawirkii iyo magicii barasha bulshadu ku kulan to (Social Media)ha. Joornaalka loo yaqaan (Los Angeles Times) ayaa sheegay Mathieu Holton madaxa Gobolka in gabadha magaca loogu qoray si kama ah taas oo uu sabab uga dhigay in ay jirto gabar kale oo magacaas leh (ISIS).
Si kastaba ha ahaatee maamulkii Dugsiga ayaa ka dalbay ardayda heshay Copy ada Buugga in ay soo celiyaan si loo saxo taas oo lagu dhejinayo magaceeda oo Sticker ah, maamulka dugsiga oo ay dhigtaan in ka badan 3000 kun oo arday waxay joojiyeen qaybinta Nuqlo kale oo ka mid ah register ka kaas oo uu ku socdo sixitaan.
Mohamed Isse
Halgan.net