Shirka madasha hogaanka dhaqanka Soomaliyeed oo furmay & Madaxweyne Gaas oo tegay Qardho.[Daawo Live]
May 24, 2016 - Written by EditorQardho:-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar Shirka madasha Hogaanka Dhaqanka Somaliyeed, kaas oo uu gogashiisa uu dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Dhinac kale waxaa la sugayaa Madaxweynaha dowladda Puntlad Dr Gaas oo ku soo wajahan magaalada Qardho si uu u furo Shirka madasha Hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed, shirka ayaa waxaan a baaqsaday Issimo uu ka mid yahay Islaan Ciise walow wafdi Issimo ah oo dhexdhexaadin ah loo diray balse arrinaas weli lagama gaarin wax natiijo ah.
Shirka madasha Hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ee Qardho ayaa waxaa si mugleh uga dhex muuqday Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Puntland waxaan culimadaas ka mid ah Sh Axmed Daahir oo shirka ka jeediyey wacdi aad u xeel dheer oo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uu ku tirtirsiiyey in ay qaataan Kitaabka Alle iyo in ay xal u keenaa dhibka Soomaaliya ragaadiyey ayna dowrkooda ka soo baxaan.
Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiwel Maxamed Cali Gaas ee soo gaaray magaalada Qardho ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland axmed Cali Xaashi , gudoomiye ku xigeenka labaad ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Cawad, Wasiirka maaliyada ,wasiirka warfaafinta , wasiirka arrimaha gudaha , Xildhibaano, Saraakiiil ciidan iyo mari sharaf kale
no images were found
Halkaan ka daawo Shirka madasha Hogaanka Dhaqanka Somaliyeed Tv-ga Puntland
M_M_Deeq
Halgan.net