Midowga Afrika oo sheegay in ay Mashaariic ka fulinayaan magaalada Muqdisho.

February 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Wafula Wamanyinyi ayaa maanta shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadlay mashaariic ay Midowga Afrika ka hir-gellinaayo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arrimaha Wadanka Soomaaliya Wafula Wamanyinyi ayaa sheegay in Midowga Afrika uu doonayo in xoojiyo ciidamada Booliska ee DFKM isaga oo balan qaaday in korso waxbarasho ah loo qaban doono 250 sarkaal .Mr.Wafula Wamanyinyi ayaa sheegay in askarta iyo saraakiisha loo tababarayo DFKM loo qaadi doono dalalka  Uganda iyo Kenya, ka dibna ay wax weyn u tari doonaan buu yiri DFKM .

Wafula Wamanyinyi  ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay waxweyn ka qabteen amaanka magaalada Muqdisho ayna rajeynayaan in ay sii dhameystiraan inta u dhiman.

Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Wafula Wamanyinyi ayaa sidoo kale sheegay in ay dhisi doonaan wadooyinka Magaaladda Muqdisho iyo dhismayaasha dowlada ee haatan qaarkood laga baxay iyada oo uu sheegay in ay ku bixi doonto lacag ku dhow 4.5-Milyan oo doolar-ka Maraykanka ah.

Mr.Wafula ayaa lagu sheegay in Mashaariicdaasi ay ka koobnaan doonaan sidoo kale dhismo Iskuulo laga sameyn doono gudaha Magaalada Muqdisho, Isbitaalo dib loo habeynayo , qalabeynta Xarumaha booliska iyo biyo galin ay ku baxayso lacag gaaraysa 1.3-Milyan doolar.

Markii uu ka hadlayey shirka lagu qaban doono London bishan aan ku jirno ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ay fulin doonaan “Roadmap”, wuxuuna si kulul u canbaareeyey qaraxii shalay ka dhacay Hotel Munna ee Magaaladda Muqdisho wuxuuna ku tilmaamay mid waxshnimo ah.

Afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscan ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen ayna la eegteen saraakiil ka tirsan nabad sugida DFKM  iyo xildhibaano ka tirsan DFKM  oo degan Hotel Muna.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online