Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe kulan kula qaatay hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka hawl-gala Puntland

August 16, 2016 - Written by Editor

IMG_3484Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 Agoosto, 2016 Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay hay’adaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Garowe, kuwaas oo dawladda kala shaqeeya arrimaha aadanaha iyo mashaariicaha horumarineed.

kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wixii ka qabsoomay  iyo waxa weli qabyada ka ah mashaariicaha sannad kaan 2016-ka ay hay’adaha qaramada midoobey ka fuliyeen Puntland  iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen mashaariicahaasi.

sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii Mashaariicaha muhimka ah ee ay hay’adahaani ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland loo gaarsiin lahaa gobollada iyo deegaanada laamiga ka baxsan, waxaana lagu ammaanay hay’adda UNDP mashruuca buundaada ay  ka hirgelisey Jaamka degmada Xaabbo ee gobolka Gardaguu, jaamkaas oo dhib badan ku hayey bulshada degmada Xaabbo iyo ardayda wax ka barata dugsiyada xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu lafo guray dhaqaalaha ay deeq bixiyayaashu ugu deeqaan Puntland isla markaana lasoo marsiiyo hay’adaha Qaramada Midoobey sidii ay  dawladdu si dhow ugula socon lahayd dhaqaalahaasi in uu gaarey meelihii loogu talo galay si dalka looga hirgeliyo adeegyo waxtar u leh bulshada.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku war-gelisey hay’adaha Qaramada midoobey in ay dawladda usoo gudbiyaan shaqaalaha ka shaqeeya dhammaan xafiisyada hay’ahaasi oo aanay ku jirin kuwa caalamiga ah si ay u bixiyaan cashuuraha  ku waajibey.

no images were found

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa hay’adaha Qaramada Midoobey ku boorriyey in ay  marwalba mudnaanta koowaad  siiyaan deegaanada ka baxsan laamiga iyo dadka reer guuraaga ah isla markaana ay si siman ugu adeegaan shacabka Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online