Wasiirka amniga Puntlland Col. Khaliif Ciisa Mudan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe
February 13, 2012 - Written byGaroowe:-Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciisa Mudan oo maanta shir Jaraa.id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Puntlland ay weerareen fariisamo ku yaal Buuraleyda Golis oo ay ku shirayeen rag ka tirsan Al.shabaab isagoo xusay Wasiirku in weerarkaas ay ku soo qabteen Axmed Siciid Atam oo ah nin la dhashay Maxamed Siciid Atam oo dagaal hadda ka hor kula galay ciidanka Puntlland degaanka GalGala.
Wasiirka amniga Puntlland Col. Khaliif Ciisa Mudan ayaa sheegay in Ciidanka Puntlland ee weerarká ku qadaay tuulo ku taal Buuraleyda Golis ay ka war helleen in shir ay ku lahaayeen rag uu ka mid ahaa Axmed Siciid Atam markii weerarku uu dhacayna ay rag uu ka mid ah ka baxsadeen goobta balse ay ciidanku qabteen Axmed Siciid waa sida wasiirka uu hadalkiisa u dhigaye.
Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciisa Mudan oo saxaafadau ay wax ka wiidiiisay wax uu ku cadayn karo in Axmed Siciid Maxamed uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu ku dooday in Axmed Siciid uu qirsan yahay in uu ahaa madax miinooyinka ee Al-shabaab su,aalo ay ciidanka amnigu ay wiidiiyeena uu arinkaas ku qirtay.
Wasiirka amniga dowllaada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa saxaafada su,aalo ay wiidiisay oo ku saabsanaa in uu Buuralayda Golis oo ay horey Puntlland u sheegeen in ay ka saareen ciidamo daacada u ah Sh Maxamed Siciid Atam ay weli ku sugan yihiin ayaa waxaa uu uga jawaabay in khatar weyn aysan ka qabin kooxdaas oo ay awoodoodii wiiqeen balse ay jiraann qof qof weli ku dhuumaalaysanay Buura leyda Golis.
Dhinac kale Wasiirka amniga Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ka warbixyey howl galo ay ciidanka Puntlland ka sameeyeen degaanka Gabac oo u dhow degmada Eyl ayna ku soo qabteen ilaa 11 dhalinyaro burcad badeed ah iyo qalabkoodii haddan ay ku xiran yihiin Xabsiga magaalada Garoowe dhaqsana ay maxkamada u keeni doonaa.
M_M_Deeq
Halgan.net