Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof Abdiweli Mohamed Ali oo soo gaaray Brussels

February 20, 2012 - Written by
Brussels:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM  ayaa waxaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uga bilaabaneysaa magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub (EU). 
Ra’iisul Wasaaraha DFKM  Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxda Midowga Yurub oo uu kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Roadmap ka iyo shirarkii Garowe oo dhammaan ku dhammaaday guul, horseedna u noqday in Soomaalidu ay dhexdooda ka heshiin karaan, iskuna afgaran karaan arrimaha Soomaaliya.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ku jiro Madaxweynaha Midowga Yurub Barosso iyo madax kale. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu kulamo la qaadan doonaa Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub iyo madaxda dalka Belgium.
 
Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium si uu ugala hadlo horumarka ballaaran ee dowladdu ka sameysey dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo shirka London ka dhici doono 23ka February.
 Xafiiska /Rw DFKM  

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online