Dhagaha ONLF ma laydhay u daloolaan mise laabta ?
February 20, 2012 - Written byArar:-Ayaamihii hore ee dawladii kacaanka waxyaabihii degmooyinka sida deg-degga ah looga hirgeliyay waxaa ka mid ahaa golayaashii hanuuninta. Golayaashaas ayaa badiyaa lagu qabanjiray kulamada hawl-wadeenada tawrad du laqaadanjireen ururada bulshada sida hooyooyinka, dhallinyarada, xoogsatada iyo guud ahaan laamaha shaqaalaha hay’addaha.
Wax usheegga iyo kicinta bulshada kasokow, golayaashaasi waxay ahaayeen goobaha iyo saabaanka ugu adag ee lagula dagaalamijiray aragtiyaha kaduwan kuwii kacaanku watay. Waxaad arki hooyo kolkay tagaysay golahaasna cagaha jiidaysay oo odaygii si xaalkeeda Ilaahay ogyahay kaga carawday, judhay fiidkii soo caga-dhigto gurigana budhka kula qamaamta odaygii guraga sii fadhiyay. Maxaa ummadda hanuunsan kaa reebay? Maxaa ii kaa seexiaya raarta? Maxaad BBC-da qudha u dhageysataa? IWM
Golayaashaasi waxay abuureen kala aamin-baxid iyo is-qoonsi dhexmara qoyska hoose. Waxaa la isu adeegsaday erayadii shaacbaxay ee ”kacaan diid, dibu-socod, mara-kudheg iwm”. Inta hanuunintu socoto haddii hawl-wadeenadii xisbigu dareemaan inaan loo dheg-raaricinaynin hadalkooda waxaa dadka kadhexboodijiray mid yar oo madax kurtun ah leh isagoo leh: Bulsho Bile
- Hugunkuwaa hugunkuwaa ayaantii bulshada cusub
- Xoogsatadu is-haysatee horukac tiigsanaysee
- Hanti-wadaaga soomaaliyeed
- Hawsha waw hogaansanahay
- Himilada kacaanka waw hanuunsanahay
- ……
Intaas iyo kuwa kale oo badan ayaa dadka lagu af-jigi jiray. Wixii intaa kadanbeeyay dadka qaarkiis waxay qaayibeen inay boornaadaan illaa intii seefta kacaanku raawis noqonayso ama isbedel kale imanayo, halka kuwa kalena oodda jabsadeen kuna dhaqaaqeen waxaan maanta lamahadin.
[http://wardheernews.com/Articles_12/Feb/Muktar/13_Time_for_admiral_Osman_to_go.html]
qoraalkaasi waxay dulucdiisu ahayd inuu kursiga hogaanka banneeyo jeneraal Maxamed Cumar Cusmaan oo ah guddoomiyaha ONLF. Qoraaga ayaa soo jeedintiisa dhawr sababood sal uga dhigay. Dhinaca kale sida lagu yaqaan qoraaga feejigan waxuu hoosta kaxariiqayaa aqoonta, waaya-aragnimada iyo dadnimo wanaagga uu leeyahay jeneraal Maxamed. Waxaa kale oo uu afeef muuqata kadhiganayaa in hadalkiisa uu noqondoono mid ay laba qoloba si kala duwan u adeegsandoonaan. Qolo waa nacabka ummadda gobolkaas. Qoraalka ayaa u noqon qasiido ay ku shallaadaan goobaha ay kuqayilaan, halka hawl-wadeenada xag-jira ee ONLF (gaas dhagoolaha idman) qoraalkani u xalaalaynayo gawraca qoraaga.
Qoraaga ayaa tilmaamay dadnimo wanaagga iyo tallaabooyinka badan ee uu qaaday hogaamiyaha ONLF laakiin waxay intaasba kasokomareen siyaasad wanaagii iyo maxsuulkii halgan ahaaneed ee latabayay. Hogaanka ayaa ku guuldareystay inuu abuuro xulufo adag oo iskaashi halgameed ay wada gelikaraan. Waxaa gudhay ama gabnoobay aragtidii siyaasadeed ee halganka. Waxaa maqan doorkii jiilkii badelilahaa hogaanka maanta. Labakacleyn siyaasadeed baahideeda ayaa u muuqata qoraaga. Gadhwadeenka ururka ayaa badiyaa kumaaweeliya gaas dhagoolaha idman siday isu arkaan iyagoo indhahooda kadadbaya siday u arkaan dadka kale. Inahaas ayaa iila muuq-dheeraa waxyaabihii qoraalku kahadlayay.
Soo qaado kolkii ay dhaceen heshiisyadii ururada kale lagaleen Itoobiya, ONLF waxay ku keliyaysatay xeedho milaalan oo u baahnayd inay latimaado asluub kaduwan habdhaqankeedii hore oo ay ku intifaacsataa. Dal iyo dibedba waxaa loo hanqaltaagayay in hogaanku soo bandhigo siyaasad bisil soo jiidankarta intii aanan si qumman u liqin heshiisyadaas, urukana katirsanaanjirin. Taasi waxaad moodaa inaysan imaanin. Waxay waqtigooda kulumiyeen kulamo ubadnaa masrax faneedyo, afdhuubleyn, hadal ilaaqeed (sida daba-qoodhi, caasha garadax iyo dhiidhiiyo waxaad tidhaahdaba) iyo hanuunitii kacaanka oo kale (Jeneraalkuna waaba soo maray hogaankii abaabulka iyo kicinta ee xisbigii hantiwadaaga kacaanka soomaaliyeed).
Dhinaca raadinta gaashaanbuursi adag oo waxtar u lahaankara halgankaas ayaad arkikartaa inay gacmo-madhan kataaganyihiin. Waxay kageynweyday waqtiyadii danbe maciinsiga magac soomaali-weyn oo qudhiisu uusan jilfactirnayn, raandhiis badanna laga haynin. Muddo waxoogaa laga joogo ayaa dhagahayagu maqlayeen unug katirsan ururka oo isugu yeedhay aqoonyahanka ururka. Unugtaasi waxay yeesheen kulamo dadka intiisa badan ugu muuqday kacdoon isbadal-doon ah. Unugtaas ayaad moodaa inay af libaax gashay oo aan dib danbe loomaqal hadal-haynteeda. Dhacdadaas iyo kuwo la muunad ahba waxay kahortagikarilahaayeen quusta maanta haysata in badan oo halgankaas u hanweynayd. Dareenkii ahaa in hogaanku garmaqaate yahayse waa kusii lixaadsaday ummadda dhexdeeda.
Waa meelahaas iyo kuwo u dhawba meelaha uu cadowgu kahelay baylahda siyaasadeed ee ururka, waana meelaha u fududeeyay adeegsiga qaybinta bulshada halganka lahayd. Waxaa yaraatay qirashada hogaanku qiranlahaa inuu kagudhay laaskii aragtida iyo hilaadinta ajandayaal kale oo isbadal-doon ah, halka intii soo hadhayna dhiiranaan la’aan meel layuururaan.
Jiritaanka jiil da’yar oo hogaanka lawareega maalintay mudato ayuu qoraagu kadhawaajiyay. Waxaan isleeyahay wixii meel kuqarsoon waa gooni, inaan kahordhacaana ilama aha, laakiin soomaalidu waxay tidhaah ”soortaan kadhergi saansaankeedaan kagartaa” sidaa awgeed ayaysan ii muuqan jiritaanka horintaas xil-sugaha ahaanlahayd. Malahaygaas adag waxaa sii badhigantaalaya siyaasadda badhada ah ee uu lasoo taaganyahay hogaanka ururku. Jiritaan la’aanta (waa haddii) unug hanashada maamulka udiyaarsan waxay mar walba keentaa in ururku sii gudho, illaa heer uu gaadho in layidhaah ina hebel inoo doona.
Dhinaca kale waxaa dhawaanahan suuqyada lagu mala-habeeyaa halkuu saldhigandoono heshiis ay wadagelikaraan ONLF iyo Itoobiya. Haddii wada-hadaladaasi wax uun kajiraan waxaan isleeyahay hogaanka ururku kuma wado inuu magaaca qaato jiil da’yar oo shalay sallanka iyagu soo saareen, sidaana dheef iyo magacba ugu dhaataan.
Kol haddii maanta aynaan arkaynin xubno cad-cad, aragti dheer, sixina kara wixii qalloocsamay waxaan arkaa inaan qoraaga kaga aragti duwanahay badalidda jeneraalka hogaanka haya maanta. Siduu maanta yahay oo uu kaga tagaa, ama ay qabtaan kuwo kasii laangadhaysan waxay ila tahay inaan lahelaynin kabaal lagu kiciyaa kolkuu baraaqsado ururku.
Haddii loo yimaado halbeegga lagu cabiro muggaaga, muuqaaga iyo magacaagaba waxaa inta badan la eegaa, tixgelinna lasiiyaa siday kuu miisaamaan indhaha bannaanka kaa taagan. Ku meelmaridda adigu sidaa isu aragto oo qudha waxay ku dhaxalsiinkartaa islaweyni aan macne kufadhiyin, kadsoomina waxay kaaga riddaa sidaad uga falcelinlahayd xaaladaha kulasoo gudboonaada. Ururka ayaad moodaa inuu hal khaanad wadageliyo wax walba oo dhaliil ah oo laga sheego. Dhagaha ay ku maqlaan dhaliilahaas ayaa laydha u daloola halkii laga sugaya inay laabtooda u daloolaan.
Siyaasadda qaybi-oo-xukunta kudhisan ee uu adeegsanayo gumeysigu ayuusan ururku qorshe cilmiyeysan oo uu kaga hortagayo la imaanin. Kolka lagasoo gudbo afarta gaas-dhagoolaha idman ah iyo kuwa mucaaradnimada cadeystay waxaa sii badanaya jamaahiirta quus lafoorarku dilay. Jamaahiirtaasi waxay tabayaan inay helaan aragti qurxoon oo ay door kuleeyihiin kagana qaybqaadankaraan wixii halgankooda kagasoo hagaaga. Waa marag madoonto in farqiga u dhaxeeya hogaanka ururka iyo jamaahiirtaasi sii ballaadhandoono in Allaale iyo intii hogaanku qumanihiisa qoorta u sudhanyahay. Dhanka kale kuwa ururka laxafiiltamaya ayay dar wanaagsan u banneynayaan. Suntan qaybi-oo-xukunta ayaa si dhibyar u tiftaafidoonta dhamaan laamaha ururka xitaa kuwa qalabka sida ee dhulkii jooga, haddii aysan kol horeba irbadda suntaasi mudin. Waxaa suntaas looga gaashaamankaraa iyadoo lala yimaado siyaasad muuqata oo xalaal ah, lagana dheehankaro aragtida saamileyda halganka.
Guntii iyo gabagabadii talo adigaa kunool ee kuguma noola, sidaa daraadeed hogaanka ururka ayaa looga fadhiyaa inuu layimaado dhago laabta u daloola. Kol haddii waxa laga arrinsanayaa yahay jiritaanka ummadda waa lagama maarmaan in talada cidda haysaa u dhaga-nuglaato dhawaaqa baxaya. Waxaa arrintaas kadhalanaya in culeyska kayimaadda tallaabo walba oo laqaadaa lala wadaago dhibkeeda. Qaadashada ga’aanada khadhaadh ayaa kamid ah Geesinimada hogaamiyenimo iyo waxa kuu gelikara xasuusta taariikheed. Waxaa rajeynayaa sidaan sare kagasoo hadlayba inuusan qoraalkan iyo kuwa lahalmaalaba noqonin kuwii gaas-dhagoolaha idamani ku aamusiinjireen ”Bulsho bile …..Hugunkuwaa, hugunkuwaa …” Aan kaga tago qoraalka abwaan soomaaliyeed ayaa laga hayaa:
Waxaa jira nin maalloo (dad lahoo)
Miisaankii ka xumaaday
Indhahii lamalaasay
Aan maqlaynin dhawaaqa
Gadhwadeenka ONLF tolow ma maqlidoonaa dhawaaqaas baxaya?
C.H. Xirsi
[awcabdimuxumed@yahoo.co.uk]
WT
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
Maqaal mug leh ifinayana wabax-taraarka iyo midhaha khadhaadh ee ka dhambalma falgalka ka dhexeeya falsafaadka iyo kawaadirta ku ta’athura.