Uurdoox Qaybtii 6aad Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar
February 29, 2012 - Written byTaariikha Mashruuca Islaamiga ah ee Soomaaliya Allaah wuxuu yidhi:﴿وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّـهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴾ [سورة التوبة:١٠٥] “Waxaa tiraahdaa Shaqqeeya, waxaa arkidoona shaqadiinna Allaah, Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, waxaana la idiin celin doonaa Allahii Caalimka u ah waxa maqan iyo waxa muuqda,idiinna sheegi doona waxaad sameeyn jirteen.”
Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii soo qoray faallooyinka, markhaati furka ah, ducooyinka iyo dhiirri galinta. Allaah ha idinka abaalmariyo jannana Allaah ha idin galiyo (aamiin).
Waxaan qoraalkayga ku hormarinayaa qoraal aad muhiim u ah oo markhaati u ah qoraalkaygii hore ee ka hadlayey masjid la’aanta xarumaha dowladda lagasoo bilaabo madaxtooyada, ilaa xeryaha milatariga noocay rabaanba ha noqdeen e.
Qoraanlkan oo uu qoray walaal lagu magacaabo M. Muse waxa uu u qornaa sidan:
Monday, February 6, 2012 at 2:22 am
Asalaamucaleykum.
“Awalan waxaan sheekheena Sheekh Cabdiraxmaan ilaahey uga baryayaa inuu cimrigiisa dheereeyo cilmigiisana nagu anfaco.waxaan sidoo kale Ilaahey uga baryayaa intii saxwada Soomaaliya muruq,maal, iyo maskaxba ku bixisey intii dhimatey oo darteed loo diley ama iskaba dhimatey oo Ilaahey oofsadey inuu jannadiisa fardowsal aclaa ka waaraabiyo, inta noolna uu xifdiyo ajarkoodana uu badiyo (Amiin). Intaas ka dib, Soomalidu waxay tiraahdaa “run sheeg wax kuu marag fura ma waayeyside” Waxaan u maleynayaa aniga iyo sheekhu waxaan nahay isku eyni, waxa uu kasheekeeyeyna waxa badanoo kamid ah goob joog ayaan u ahaa.Waxaan xusuustaa in gabdhaha qaarkood markey iskuulka soo aadayaan ay guriga Kaga soo baxaan xijaab, markey iskuulka derbigiisa timaadana ay iska bixiso,hadhow markey iskuulka ka soo baxdana ay xijaabkeedii dib u gashato.Sidoo kele waxaan walaalkey markhaatiuga ahay xeryaha milteriga inaysan jirin halxero oo uu masaajid ku yaaley.
Aniga waxaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ku biirey 13/3/1973 waxaan dhibowga ku galey HIILWEYNE oo Xamar iyo Balcad u dhexeeysa, waxaan ahayn 6 urur oo jadiid ah iyo urur Taangiiste ah, ninkii ciidan waxa ka yaqaana wuu garan karaa ciidankaas tiradiisa, hadana waxaa xusid mudan xereda intaas leg oo intaasoo muslim ah ku nooshahay masaajid iska daaye inaysan mawlac xataa laheyn.Waxaa intaasoo dhan ka daran iney inta tukata fara ku tiris yihiin, hadana aan loo ogoleyn iney si madaxbanaan oo xor ah u tukadaan.
Markuu dhibowgii noo dhamaadey waxaa la ii soo bedeley wasaaradda gaashaandhiga. Waxaan ugu imid sidaan HIILWEYNE uga imid oo ah masaajid la’aan, ninkii yaqaan baana yaqaan tirada ciidammada ka shaqeynayey meeshaan, waxaysan igu inkireynin oo aan u maleynayaa Sheekh Cabdiraxmaan qudhiisu inuu arkey ama kuba tukadey inaan iskeen meel bannaan u xaarxaarananno oo dermo soo gadanno oo meeshaas aan mowlac ka dhiganno, waxayna ahayd meel udhaxeysa xafiiskii maamulka lacagta iyo Dhismayaasha waaweyn.
Waxaa kaloo xusid mudan xeryaha qaarkood iney lahaayeen shaneemo ama meel filimmada lagu daawado masaajidna aysanlaheyn, waxaana meelahaas kamid ahaa xerada guutada 2-aad taangiyada oodweyne, rugta saraakiisha guutada 1-aad madaafiicda goobta.
Sidookale waxaan galey kulliyadda Jaalle Siyaad 1976 waxayna la mid ahayd walaalaheedii ka horreeyey oo aan soo arkey, yaabkuse wuxuu ahaa in haddii aad tiraahdo salaadbaan soo tukanayaa aan laguu ogolaan ama haddii laguu naxariisto markii muddo lagaa aamusnaado lagu yiraahdo,aawey kii lahaa salaadbaan soo tukanayaa orod il biriqsi ku imow, intaas kaddib waxaan ka shaqeeyey meelo badan oo xeryihii X.D.S (Xoogga Dalka Soomaaliyeed) hayaraato hase weynaatee weligey ma arkin xero uu masaajid ku yaallo.Wasaaradaha, wakaaladaha, iyo hay’adaha dowladda oo kalena sidaas bey ahaayeen, marka waxaan rabaa inaad is barbar dhigtaan xiligaas iyo maanta ayadoo weliba wax badan lagu cayaarey.”
Waxaan soo tilmaamay labada madfac oo culus halka ay kasoo dhacaysay oo ahayd waxbarashada iyo milatariga, waxaan kaloo soo sheegay in uu go’aansaday hoggaanka Mashruuca Islaamiga ah ee Soomaaliya, in wixii noo soo baxa oo arday ah loo jiheeyo labadaa meelood, si wax looga baddalo mustaqbalka, loogana dhigo kuwo u adeega Islaamka ee aan loo adeegsan burburinta diinta Islaamka.
Akhristow waxaad sawirataa dawlad yar oo lagu dhextuuray quwaddii Shuuciga ahayd ee ay hoggaminaysay dawladdii Midowga soviet-ka! .Shuuciyadda waa mabda’a nuxurkiisu yahay in aanu ilaah wax layiraahdo jirin noloshuna tahay maaddo. Waxaa noo muuqday waddankan oo muddo kaddib diintii laga tirtiray, lagana dhigay dad aaminsan mabda’a shuuciga. Waxaad ogaataa sidoo kale waxaa jiray dhaqdhaqaaq ama xarako aaminsanayd shuuciyadda oo ay ka dhab ahayd in ay dadka ka xoreeyaan diinta, waxay ahaayeen nimanka ka dambeeyay in Kacaanku qaato mabda’a hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, iyo dhisidda Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S).
Waxaa lagu heesi jiray:
waddadii caddayd (Shuuciyadda),
cagta saarnayee,
ku carraabnayee….
Galitaankii Ciidanka 1974-1983
Kooxdii u horraysay ee layli saraakiisha loo qaatay oo magacooda loo bixiyay “CALI XIIF” waxaa noo galay shan xubnood o culus, oo ku kala biiray qaybaha kala gaddisan ee X.D.S., sida duuliyayaal miiga 21, injinneerro, ciidanka badda oo baranayay maraakiibta dagaalka, kuwa ku takhasusay saadka, iyo taangiyada.
Tirada waa yartahay laakiin waa intii ugu tacliinta fiicnayd dugsiyada lagasoo baxay, dufcaddii ka dambaysay waxaa noo galay dad gaarayo ilaa 34 sarkaal, waxaa lagu jiray kulliyadda milatariga ee ciidammada badda, kuna taallay magaalada Al-Iskandariya ee dalka Masar. Ardayda wax ku baraneeysay kulliyaddaa oo ka kala yimi dalal aad u badan waxa ugu sarreeyay raggii ka socday mashruuca Islaamiga Soomaaliya.
Dalka Ciraaq waxa aaday rag uu kamid ahaa Allaha u naxariistee Dr. Sh. Axmed Xaaji Cabdiraxman (ciidamada lugta) kulliyadda dagaalka ee Suudaan 1977 waxaa galay rag toddoba (7) ah oo aan anigu kamid ahaa sidoo kalena uu kamid ahaa Allaha u naxariistee Yaasin Axmed Maxamad (falastiin) ciidanka Daafaca Cirka, Qaalib Cabdi Xusseen (Kumaandoos kuna dhintay isagoo bixinaya tababar habeen), Col. Sh. Faarax Maxamad saciid (faarax Dheere) oo lagu dilay kontrool ku yaal magaalada Garoowe 2002 kana soo baxay Dugsiga Sare Wamo ee Kismayo, ilaahay ha u naxariisto.
Waxaan ku xaroonnay kulliyadda Dagaalka ee Ciidamada ee Waadi Sayidna oo ay ka baxeen Madaxwaynaha dalka Suudan Cumar Xassan Al-Bashiir, Jacfar An-Numayri Madaxweeynihii hore ee Suudaan, iyo rag badan oo golaha milatariga Suudaan hadda ku jira. Kulliyaddan oo uu dhisay INGRIISKU 1948-kii waxay ku shaqeeysaa nidaam tababar oo aad u adag lagana soo qaatay kulliyadda dagaalka Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst) oo ku taal dalka Ingriiska, waxaan kamid noqonnay dufcaddii 27aad annagoo ka kooban 46 arday oo Soomali ah waxaa horteen ka baxay rag uu kamid ahaa Janaraal Cabdiraxman Maxamud Cali (jiis) u qaybsanahii arrimaha milatariga soomaliya u fadhiyay Mareeykanka.
Suudaan oo dabeecaddeeda adagtahay iyadoo lagu jiray xilligii talada Suudaan hayay Jacfar Mohamed An-Numeeri, milateriga waxba kama duwanayn keennii Soomaaliya xagga xaaladda diineed. Salaadda ayaa noogu adkayd oo laga yaabo mararka qaarkood in aad amardiiddo samayso wax kasta ha dhacaane si aad u soo tukato.
Maalin maalmaha ka mid ah waxaa noo khudbeeyay annagoo tababar ku jirna nin sarkaal ah wuxuuna yidhi:“waxaa la idinka rabaa saddex ‘W’:Women- Wine- War, oo uu uga jeeday faaxisho, khamro, iyo dagaal.Waxaa ku jiro ardayda iyo macallimiintaba raggii ay soo qoondaysay dhaqdhqaaqa Islaamka ee Suudaan oo iyagana iska qarinaya dowladda hantiwadaagga Suudaan.
1992 mar ay dowladda Suudaan ku shirisay khartuum si ay u mideeyso dhaq dhaqaayada Islaamiga Soomaaliya, waxaan la kulmay labo sarkaal oo kamid ah saraakiishii kulliyadda wax ka dhigayay kana mid noqday golaha milateriga Sudaan, waxaan weediiyay ma ku jirteen dhadhaqaaqa islaamka markaan isbarannay? Wuxuu yidhi “haa”, “oo waa isqarineeyseen miayaa? Markaasuu i yidhi “haa”, “dufcad kasta rag ayaa noogu jiray.” Waxaan waydiiyey, annaga mana dareemayseen in aan nahay wadaaddo? Wuxuu yidhi “Waxaan dareennay oo kali ah Faarax Maxamad Saciid (allaha u naxariistee).
Rag kale waxay ka baxeen kulliyaddii Ciidamada ee Jaalle Siyaad oo uu kamid ahaa Sh. Cabdinasir X. Axmed (farey) (ciidanka farsamada) Raggaas waxay u kala carraabeen waddamo kala gaddisan iyadoo hammigooda kali ah uu yahay in ay soo celiyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, noloshoodana ay u bixiyaan Allaah dartii, haddeey xaaladda tagto barako ma leh, in ay dacwada hoos hoos u gaarsiiyaan Ciidammada Qalabka Sida (CQS) oo aan horay u soo sheegay xaaladdooda diineed.
Dhinaca kale waxaa jaamacadaha Suudaan (dhaqaalaha iyo siyaasadda Jaamacadda Umu durman) dhiganayay rag loosoo diray oo ay kamid ahaayeen Dr. Axmed Cali Axmed, Sh. Cumar Aw Sahal, Sh. Cabdulcasiis Faarax iyo Cumar Cabdi (khadiib) raggaas oo barta dhaqaalaha, siyaasadda, iyo culuumta sharciga. Rag kale waxay ka baxeen kulliyaddii Jaalle Siyaad ee Muqdisho. Raggaas waxay u kala carraabeen waddamo kala gaddisan iyadoo hammigooda kaliya ah uu yahay in ay soo celiyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, noloshoodana ay u bixiyaan Allaah dartii, in ay dacwada hoos hoos u gaarsiiyaan Ciidammada Qalabka Sida (CQS) oo aan horay u soo sheegay xaaladdooda diineed.
Lafoole 1978-1990
Lafoole waxaa galay rag culus oo uu kamid ahaa DR. SH. Bashiir Axmed Salaad, Sh. Cali moowliid, Cumar Jaamac (isbatoore), Sh. Cabdulqadir Cukash, Sh. Mustafe Ismail Haaruun, Cabdiraxman Maxamud Geelle, Dr. Cabdirisaaq Maxamad Aden (lafoole) Madaxa Jaamacadda Nugaal, Cabdulqadir Cirro, Dr. Maxamud Cabdi Ibrahim (garweeyne), Axmed saciid, Sh. Maxamuud ciise, Sh. Maxamad Cabdi Daahir, Maxamuud Nuur, Dr. Maxamad Cabdulqadir (madaxa jaamacadda banaadir), Axmed Cabdi Waayeel (wasiirkii waxbarashada oo ku dhintay qaraxii shaamow), Cabdulqadir Caddow (oo Maka ku dhintay allaha ha u wada naxariistee), iyo rag kale oo badan (intooda nool Allaah ha xifdiyo, inta geeriyootayna Allaah jannadii ha geeyo).
Raggan dhammaan waxay guntiga u xirteen in ay Jaamacadda Lafoole meel kusoo ogaadaan, uma galin in ay irsiq u raadsadaan oo waxay ahayd meesha ugu mushahar yar, ee waxay u galeen manhajka waxbarashada inay wax ka baddalaan waana xaqiijiyeen, oo raggaas waxay isugu yimaaddeen Manaahijta waxayna ku guuleeysteen in ay waafajiyaan manhajka waddanka shareecada Islaamka, kana saaraan qashinka diin la’aanta iyadoo qoorta ka saarantahay seeftii kacaanka.
Waxaa kamid noqday rag noqday maamulayaal iskuul iyo macallimiin, waxay ku guuleeysteen in arday badan ay ku soo xiraan masaajidda.Waxaa aad u caawiyay culimada kala ah Sh. Shariif Cabdinuur, Sh. Kaaramardhe, iyo Sh. Maxamad Nuur Qawi oo macallimiin ka ahaa jaamacadda. Raggaan waa ragga aasaasay iskuullada Islaamiga iyo mu’asasooyinka wax barasho ee maanta soo saara kumannaan arday ah oo xambaarsan caqiidada Islamka, xiligeeda markaan soo gaaro ayaan faah faahin doonaa inshaa allaah.
Dhabar jabintii Fikirka Takfiirka (Gaalaysiinta):1976-1983
Waxaa dunida Muslimka kasoo baxay dhaqdhaqaaqii loo bixiyay Takfiirka iyagana la baxay “Jamaacatul Mu’uminiin” gaar ahaan Masar, markii wixii islaam ku dhaqankiisa doonayay laga buuxiyay xabsiyada Masar, qaarna la laayey, ayaa waxa la iswaydiiyey! war dadkaan islaamka dartii noo dilaya ma Muslinbaa mise waa gaalo? Waxaa la yidhi, muslim ma dhihi karno, waayo waxay ku xukumayaan Allah sharcigiisa waxaan ahayn, oo tawxiidkii Xaakimiyadawaa ka buray, kuwa u shaqeeya ee askarta u ahna waa gaalo, dadwaynaha taageerayana waa gaalo. Yaa muslim ah oo soo haray? kooxdeennan oo kali ah iyo inta nagu soo biirta.
Dhulka Muslimiinta waxa loola dhaqmayaa sidii dhul gaalo (daarul kufri) saas darteed guryahiinna qiblo kadhigta, jimce iyo jamaaco ma jirto, hilibka ay qalaan dadkaas gaalada ah lama cuni karo, waana in laga haajiraa haddii meel la tago la helo.
Waxaa naloo soo waariday fikirkii oo sidiisii ah ayadoo aan aad loo lafa gurin, maraajicda cilmigana miisaankeeda la saarin ayaa la keenay Soomaaliya.Waxaa bilawday dood aad u kulul oo aan dhammaanayn taasoo keentay in shaqadii dacwada inteedii badnayd ay joogsato.
Sh. Cabdulqaadir Sh. Mxamuud oo dhaqdhqaaqa madax ka ahaa ayaa qaatay manhajkii takfiirka (gaalaysiinta), waxaa la yidhi xubnaha dhaqdhaqaaqa dib ha loo islaamiyo, kii ku qanca manhajkana ha la qaato kii kalena ha la iska tuuro.Waxaa fikirkan qalloocan ka horyimid raggii ugu aqoonta roonaa, aadna ula dagaallamay.
Kooxdeenni Suudaan joogtay iyo raggii kale ee ku jiray kulliyadaha milateriga waxaa naloo soo diray laba nin si ay noogu akhriyaan casharadii dib-u-islaaminta, kaddibna su’aalo na weeydiiyaan si ay noogu sheegaan in aan ka baxno kulliyadda maadaama ay tahay kulliyad ciidan gaalo una shaqeeyn doonta dowlad gaalo ah, wuxuu qoray mustashaar Hassan Hudeeybi kitaab uu u bixiyay“waxaan nahay ducaad ee ma nihin qaadiyaal” sheikh allaha u naxariistee wuxuu dadka ka jeediyay in ay ku mashquulaan xukumidda dadka ee ay ku mashquulaan dacwada iyo hagaajinta dadka .
Waxaan ku idhi Sh. Cabdicasiis Faarax (allaha u naxariistee) adigaa firaaqo hayee soo diyaari wixii aad ku naqdin lahayd fikirkan, waxaanan u sameeyay laba waqti oo kala gaddisan si ay raga u dhagaystaan labada dhinacba. Markii uu dhammaaday siminaarkii ayaa lasoo bandhigay su’aalihii, fikirkii takfiirka ahaa, Alle mahaddii wax saamayn ah naguma yeelan raggeennii meesha joogay, kaddibna wafdigii waa la laabteen go’aankoodii ahaa in laga baxo ciidamada.
Waxaan dhammaysannay kulliyaddii waxaan toddobadeenni kamid noqonnay tobanka u horreeya dufcaddii 27-aad ee 1979-kii ka baxay kulliyadda dagaalka ee Suudaan.Waxaan soo noqonnay carradii oo takfiir ku galgashay oo ay gaartay in la kala baxo.
Markaan soo noqonnay rag badan waxaa ku dhacay niyad jab aad u wayn, qaar ayuu dib u saameeyay fikirkii takfiirka oo ka baxay ciidamada rag kalena waxay ku biireen dhaqdhaqaaqii cusbaa ee isku manhajka ahaayeen. Sh. Cabdulqadir Sh. Maxamuud wuxuu ku dhawaaqay in uu kala diray ururkii uu madaxda u ahaa, raggiisiina waa la ruqay.
Wixii culimo ahaa waa la isu soo noqday waxaa la aasaasay dhanka koofureed urur cusub oo lagu saleeyay manhajka salafka loona bixiyay al-Jamaacah Al-Islaamiyah oo uu madax u noqday Sh. Maxamuud Ciise. Ururkan waxa isugu tagay rag kasoo wada baxay Jaamacadaha Islaamka oo ah rag aad u culus.
Waqooyiga Soomaaliya waxaa kasocday dhaqdhaqaaq xoog badan, Sh. Cali Warsame wuxuu ii sheegay in la waydiiyay in uu magaalada ka keeno hal qof oo la aaminsan waxa uu aaminsanyahay uuna soo waayay. Waxaa kaloo la ii sheegay in uu magaalada Hargaysa soo booqday Qaariga Sh. Khaliil Xusari, kadib wuxuu la yaabay dad da’ah kaliya oo masaajidda ku jira, kaddib wuxuu yidhi hadal ah “Soomaalidu ma todobaatan jir ayey kusoo islaamaan”?
Maxaa xigay Waa inoo qormada soo socota hadduu Alle idmo lasoco qaybta 7-aad
W/Q Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
27 Comments so far
Leave a comment
masha allah ..Jzkh kheyr ….shiekh c.rahman ….
asc waxaan aad ugu mahadnaqayaal waalkay, shiikhaygii sh c/raxmaan sh cumar waxaan leeyahay aduunkiisa iyo aakhiradiisaba alle habarakeeyo
anagana sidookale.waxaan leeyahay dadka akhrista macruucan aad haloofahmo,fekradii gaalaysiinta ee dodobaatanaadkii oo casri ah oo hubaysan ayaa soo noqotay ,waxaana layiraahdaa tagtadiisa ninkaan aqoon,taaladiisa iyo timaadadiisa midna kamafaaiideeyo.markaa halaga faaiidaysto taariikhda horeee shiikhu ka waramay,sh la haka abaal mariyo.
Assalaamu Caleykum
Sheikh Jazaaka Alaahu Kahyral -Jazaai arrimahan aad bayaamisay ee dad badan mudgi kaga jiray daka maanata jooga ood arkaysaan qaarna m,a dhalan xilliga aad ka warramayso qaarna garaad badan ma lahayn markii arrimahaaso dhacayeen sidayda oo kale waxaanse si fiican u xasuustaa gabdhaha maanta asturan ee waddanka maraya oo inta wax itaageer la dhaho oo aad u weynaa madaxa saartaa aad moodayso madaxooda sidii in digsi lagu gembiyey oo garbasar la’aan melaha iska socda oon haddana cidana aysan waxba la yaabi jirin waxaan xasuustaa gabdhaha xijaaban oo la dhaho waa bdico iyo gaalay u shaqeeyaan iyo carabahay gaalo lacag ugu soo dhiibtaa. iyo wax kasii xun oo la oran jiray maanta waxaaba la og yahay in xijaabkau yahay shay farald ah oo gabar walba ku waajiba ah marka tii fiicnina qaadato tii kalana iyadoo og ka tillaabsato. waxaan aad uga qawaday markii aan muddo waayey taxanahaaan. dadakeennu dad wax qorista ku fiican maaha marka saas baa wax badan oo taariikhdeena ahi isaga lumenhadda waan ururiyey dhammman sheikha taxanihiisa haddaan cid iga horraysaa nashrinna inaan nashiriyaan ku fekerayaa haddii sheikhu oggolaado. waxaan shiekha weydiin lahaa isagoo taxanuhu meel fiican marayo buu istaagay oo hadda in bil ka badan baan la’ahaye see wax u jiraan ma intaas keliya buu ahaa(ilaa qaynta 6aad) misee anaa sugi la’? taarikhdu waa muhim waxaan ka baran soonaan wixii wacnaa ee ku jirana inaan sii hormarinno meeshii uu goldaloolo ku leeyahayna ina jiilsha dambe ka leexdaan. wasalaamu caleykum
Asc, sheekh ALLAAH subxaanuhu wa tacaalaa hakaa ajar siiyo sida wanaagsan ee aad nooga taariikhaysay waxyaabihii la soo maray markaan akhriyay aad ayaan u qiirooday maalinkaa siday ahaayeen iyo maanta xaalada la marayo ilaahay xaqa ha nagu sugo dhamaanten aamiin.
Asalaamu Calaykum
Sheikh Allaah ha xifdiyo waa tariikh cajiib ah waxaase fiicnaan la had in buuga laga sameeyo umada kayd u noda waxaan ku boorin lahaa ducda yar yar in ay sheikh gacan qabtaan oo qoraalka buuga ka so saraan inshallaah.
as wrx wbr waxaan kula talin lahaa walaalaha howlahaan wada iney qisadaan ka diyaariyaan buug si umada oo dhan uga faa iideystaan xusuus fara badana ka taga, inta badan culimadeena ma qoraan buugagta laakiin waa wax aad u fiican in lagu dhiira geliyo…..
Ilaahow khayr kaa sii sheekhanaa sh cabduraxmaan sh cumar. ilaahay ajir hakaa siiyee noo sii wad waan sugaynaa qaybaha kalanee.
manshalaah walahay waa tariikh xusid mudan alaaaaaaaah culimadas inta dhimatay ha unaxariisto inta noolna ha xifdiyo soomali ragasay bay alahayd mantana wax badalay wa aloo jedaaaaa ilahayow soo celi kuwasoo kale markale
ASALAMU ALEYKUM SHEKH ABDIRAHMAN ILAHAY HA KUXIFDIYO XAQANA HA KUGU SUGO QORMADA I NOO WAD HANAGA JOOJIN WAXBADAN AYAAN KU BARA RUYGNAY DAD BADAN AYAA AMINSAN 2006 IN AY DACWADA BILABATAY DADAALKII AAD KU SOO BIXISEEN DAC WADII IYO DIINTA AYAA LA DONAYAA IN SIFUDUD LAGU BURBURIYO AYA DOO LOOGU YERAYO AABA YASHA DACWADA GALARACYO WAA WAX LA YABLEH CAJIIB
shiikh cabdiraxmaan shiikh cumar alaah ha ku xafidu aadiyo aad baan kaaga mahad celinayaa taariikhida badan oo aad nooga sheekto dacawad heererka ay soo martay ale waxaan weydiisanayaa in uu noo kaa xiftiyo koley nafatu waa yaamo oo lawaarimyo
Asc:Allaah Subxaanahu watacaalaa miisaanka xasanaadka ha u saaro Shiikh abdiraxmaan qoraaladan muhiimka ah inagana alle ha inaga dhigo kuwa wax ku qaata oo dib u fakara oo saxa waxa ka khaldan aakhiradoodana ilaashada,waxaan codsan lahaa in inta shiikhu ku mashquulsan yahay dhamaystirka qoraalada in walaal kale uu u kaco isku duba ridka qoraalada si aan buug uga samayno hadii alle idmo.shiikhuna aanu hawl kale dib u galin marka uu dhameeyo qoraalka.waxaan markale u mahad celinayaa walaalaha dhamaantood iyo shiikhaba.
sheikh Abdirahman iyo culumada kale ee dacwada sidaaas ugu soo samray ILaahay ajar haka siiyo.amiin,walaalayaal ogaada manhajkan Takfiirigu waa soo noq noqonayaa waana ta maanta ina ahaysata,sheikh waa ina sheikh cumar reerkooduna, ciidan shaqo kuma lahayn miyaanay fajiciso ahayn reer culumo ah oo caruurtoodii 1973 u galeen ciidamada inay ilaahay Baraan kuna toosiyaan wadada saxda, balqiyaasa sida ay uga dhab ahayd inay badbaadiyaan, shacabka maskiinka ah, ah ee diintii laga leexiyey…
Balse eega kuwa maanta alshabaabka ah oo layadhi waar ninka madaxweynaha waa dukdaaye idinku ciidankii noqda oo dawladii noqda oo cadawga guud wadan ka ka ilaaliya,ee ka dhamaanla waa mujrim.waa ridoobay, gaalbuu lahadlay,ji waa xujoobay waa qaarinaynaa,
nimana waxay u badhadheen shuuciyad inay intay dhexgalaan muslin ka dhigaan,,,,,,
asalaama calikum
sheekh cabdiraxman salaan kadib,runahaantii waa tarikh dheer oo aan uu haysano in eey ahayd mardhow,alle hakaa abal mariyo sida aad waqti ugu hurtay qoraalkan,waxan jeclaanla haa in aad ku darto sidii dhalintaas eey isugu kalsoonaayeen,daacad ugu ahaayeen dacwada isku xiraanshahooda sirtooda oo ka sareeysey tii dowldii markaas jirtey,ka dharla aantooda damac aduun mid qabiil mid shakhsi,gaar ahaan intii ka horeeysey 1980
Jazaakallaahu khayral jazaa akhuunaa wa sheykhanaa, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Ilaahay xifdiyo adiga iyo ehelkaaga. Runtii waa maqaalo aan ku diirsanay oo aan u baahanahay oo aan waliba dherersano sugidooda anigoo og inaad mashquul tahay oo hawshu aysan ahayn maqaalka oo kaliya. Walaalaha kale waxaan idin oran lahaa waa inaan garab istaagno culumadeena maanta la dulminayo iyagoo jidkaas dheer ee qodaxda badan usoo maray saxwadan Islaamiga ah. Walaalaha waxaan kaloo oran lahaa yaan laga hordhicin waayo wali sheekhu maka hadlin itijaahaadka Islaamiga oo ilaa hada ma arag wax uu kala saaray, inuu ka hadlo wuxuu ogaana waa tan uu u guntay qoraalkaan. Walaalka la baxay abuu yaxyaa, Ilaahay ka cabso hadaad ogaan utiri iyo hadaa aqoon xumo u tiriba Cilmaani macnihiisu waa laadiini oo Muslim ma aha. Inaad dad muslim ah aad bi akmalihim laadiini ku tilmaanto waa arin culus. Ha umalayn inaan itijaah ahaan la jiro oo anigu waxaan kusoo barbaaray dacwada salafiyada oo aanan jeclayn in wax kale laiigu badalo, balse dadku waa muslim ee haku xadgudbin oo Allaah uga cabso.Ugu dambayn Ilaahay hanoo xifdiyo dhammaan Culumada ku mashquulsan dacwada Islaamiga ah, Allaahuma aamiin.
ASC walaalkey Cali aad iyo aad ayaan kugu mahadnaqayaa sida aad ii saxdey
Ilaaheyna khayr ha.kusiiyo.midda kale waxaan cafis weydiisanayaa walaalkeygii aan ku gefey oo aan ku sheegey wax uusan ahayn.
akhristoow qoraalka sheekheena waxaad kadareemi arin aad umuhiimsan ay haboontahayna inaan kadhaxalo waa sida sheekhu ugawarqabo ragiisii ninwalbana magiciisii oo sadaxan iyo takhasuskiisii yuu korka kahayaa waayo waxay ahaayeen rag istirsan oo hadaf leh laakiin maanta wadaadada jooga hadii lagu dhoho hebal magaran waxaad dhihi makii garka lahaa ee qamiiska qabay.
waxaan xusuustaa nukto aad uqosol badan waxay kudhacday ninka layiraahdo yuusuf c/fataax oo ahaa waziirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo kamidahaa 2 nin ee sh.cabdi raxmaan sh.cumar kasheekeeyay ee sheekhu lakulmay 1992 shirkii heshiisiinta xarakaadka somaliya eelagudhabtay sudan,ninkaa waziirka ah wuxuu caan kuahaa ladagaalanka daroogada waxaa jirtay haweenay udhalatay wadanka eratariya oo kunooleed sudan waxay gadi jirtay khamro lagusameeyo sudan aadna udaran waziirkaa soo agfariistay managaranhayso wuxuu kuyiri iidhiib hal galaas waysiisay kadib hoosbuu kadaadiyay iyadoon arkeen wuxuu udhiibay weelkii oomaran wuxuu kuyiri waxaan ahay yuusuf c/fataax waxay tiri midkale makuu dhiibaa cumar AL-bashiir aad noqotide waxay mooday inuu sarqaamay
Asc? aad ayaan ugu mahad celinaynaa shiikha, runtii taariikh aad u faahfaahsan ayuu ku qaadaa dhigay Maqaalka UUR-DOOX lkn marka laga so gudbo wanaagga guud ee Qormadda waxaa jira dhaliilo aan anigu ku arkay qormadda gaar ahaan Midan 6-AAD rag kale oo ila aqriyana ay ila arkeen, anigoo shiikha ku xadgudbeen, edebta iyo anshaxa wax loo tilmaamana ka baxeyn ayaan waxaan jecleystay inaan Farta ku fiiqo meelo dhaliil iiga muuqatay waxaana ka mid ahaa:
Marka uu shiikhu (khayr alaha siiyo) uu lee yahay “Waxaa lagu heesi jiray:
waddadii caddayd (Shuuciyadda),
cagta saarnayee,
ku carraabnayee….”. Ayaa waxaan rabaa in aan si kale loo dhigo qoraankaas sifo aanan ugu xadgudbin walaalo kale oo muslimiin ah, maxaayeelay mar la wareystay Abwaanka Erayadaas alahaa wuxuu ula jeeday ayuu wuxuu yidhi: ” Waxaa i muuqaday Yididiilo, Horumar iyo Barwaaqo uu dalku gaadho” Ee Markuu leeyahay ulama jeedin (Shuuciyadnomo) bal wadan jacayl ayay ka ahayd sida uu hadalka u dhigay Abwaan Cabdi Muxumad Amiin alaha u naxariistee. Dhaliisha kale: sax igula ma muuqato in Akhyaarta ka tirsan Saxwadda Salafiyada magacooda iyo mansabkii ay hayeen la sheego asse la sheegin Akhyaarta kale ee ka dirsanaa Xarakaadka kale sida “mustashaar Hassan Hudeeybi kitaab uu u bixiyay“waxaan nahay ducaad ee ma nihin qaadiyaal” Shiikhas Wuxuu Ahaa Murshidkii Labaad Ee Ikhwanul-muslimiika Masar. waxaan aad u jecelahay in Title-ka iyo magacyadooda oo sadexan la sheego Dadka xiligaan joogay ama ka taariikh ahaan uu Maqaalku soo galin karo Ha ka tirsanaadeen Saxwadii islaamka ee soomaaliya iyo Dunidda muslimka ka hana qaaday ama yaysan ka tirsanaane.
Gabagabadii Shiikha waan u mahadcelinaynaa, halkaasna ha nooga siiwado
m.muuse waad ku qaldantahay sh c/qaadir ma dagana qardho, ee maxmuud nuurweeye ninka dagan qardho, sh.qaadir kuma arag fikirka takfiiriga ah ee la midka ah kuwa dagan qardho>
JazaakumaLLaah QEYR, Qeyru Jizaa shiikhunaa,waxaana ku leeyahay Allaha ku xifdiyo adiga iyo culumadeena kale,intii u dhimateyna Allaha u naxariisto.Waxaan jecellahay inaad ila qeybsataan qisadaan,waxaan ka mid ahaay arday wax ka baraneysay dugsigii tababarka caafimaadka ee ku dheganaay ISBITAALKA MARTINI sideedamaatkii,sida in badan la socdaan waxaan gashan jirnay shaar iyo surwaal cadcad oo dugsiga nagala siin jirey gabdho iyo wiilalba.shaararku waxay ahaayeen gacmogaab lamana ogaleyn inaad soo qaadato shaar cad oo gacmodheere ah,schoolka waa ku yaraayeen gabdho wadaado ah oo inta badan shaarka gacmgaabka ah dhib lama aheyn oo waxow iska ahaay caadiyoos,waxaan xasuustaa laba gabdhood oo wadaado ah ayaa dhibsaday shaarka gacmogaabka ah waxay fikareen maadaama aan loo ogoleyn shaar gacmodheere ah inay soo qaataan waxay ugu yaraan gacmaha ku asturtaan oo waxay soo labisteen wax u muuqday gacmogashi daboolaya inta ka banaan gacmaha ka soo bilow cududa ilaa calaacasha,dugsiga waxow lahaay meel lagu ciyaaro kubada koleyga,subaxdiina ardada loogu qudbadeeyo,maalin maalmaha ka mid ah ayaa labadii gabdhood la soo istaajiyey horteena,kadibna maamule xigeenkii dugsiga si caro ku jirto gabdhihiiku yiri meeshaan lagama rabo TARAAFIKO oo baabuur lakala celin maayo ee schoolka ku imaada sida gabdhaha kale ama guryahiina jooga,waxaan xasuustaa gabdhii oo boorsada gashta markay albaabka schoolka imaadaan,markay rawaxayaan soo baxsada,marka dhibaateynta iyo la dagaalanka diinta meel walba waa ka socotay.
Asalaamu caleykum
Walaalkey SH.Cabdiraxmaan SH.Cumar Illaahey ajarkaaga habadiyo khayr Aduun iyo mid aakhirana ha.ku siiyo Amiin.waxaa hubaal ah qoraaladaan iney dad badan ku diirsanayaa dad badanna ay ka caroonayaa.dad wey kudiirsanayaanoo waxay ogaanayaan dacwadaan meeshey ka.timid iyo dakii Wadey iyo inta marxaladood oo ay soo martey.tusaale yar markii uu xijaabku soomaaliya ka.soo daahirey waxaad ogtihiin in gabdhihii qaatey dacaayad la.gu furey oo la.yiri waa gabdho xun xun ayagoo arintaas beri ka.ah oo ay ahaayeen gabdho cafiifaad ah oo aad iyo aad u dhowrsoon.gabdhahaas sh.Cabdiraxmaan ayaa ka sheekeeyey ilaaheyna waxaan ka,baryayaa intii dhimatey inuu jannadiisa firdowsa geeyo kuwa Noolna ajarkooda badiyo cimrigoodana dheereeyo.haddaba aan is barbardhigno waagaas iyo hadda,hadda waxaad ogtihiin kuwii waagaas gabdhaha xijaaban dhibi jirey ayaa maanta haweenkoodii,gabdhahoohii. dugsiyadoodii Qu,aanka iyo iskuuladoodiiba ku amraya iney xijaabka qaataan.marka qofkii moodayey dacwadaan dad la.aan iyo dhibla.aan iney iska timid ama u haystey kuwa aan u bixiyey BUR CADDA dacwad ileen wax walba burcad bililiqeysatey ay leeyihiine ineysan ka.dambeyn shuqulna kulaheyn bal ay cagsigeeda tahay oo wixii intaas oo sano la.soo
dhisayey ay baabiyeen wey kufarxayaan una riyaaqayaan.soomaalidu
Waxay ku maahmaahdaa intii la.eryo beenbaa ugu orod gaaban oo waxay ku egtahay inta runta laga daba dirayo markaasey sooqabataa ayadoon meelna gaarin walow sanooyinba ha.sii maqnaatee waxaan saas u leeyahay Mashruucan UUR DOOX SHEEKHEENA CABDI-RAXMAAN waxaa laga yaabaa inuu ula jeedo soo bandhigid dhab ah dacwadan iyo halkey ka.tim,anna waxaan Jeclahay inaa ku daro waxay uur doox iyo laab qarar ku tahay kuwa dacwadan barakeysan beenta ka.sheegaya culimadeediina waxna diley waxna dalka ka.eryey waxna culumaau,suu ku magacaabey ILAAHEYNA waxaan weydiisanayaa inuu culumadeena iyo intii muslim ahba shartooda ka.qabto
Ayagana wey khaldayihiine Ilaahey ha.kasoo celiyo dhammaanteena hanna hanuuniyo oo dhabihiisa toosan ha,nagu duwo Amiin.waxaa la.yiri SOOMAALI BEEN WAA SHEEGTAA BEENSE MA.MAAHMAAHDO waxaana ulajeedaa RUN SHEEG WAX KUU MARAG FURA MA.WEYDIDE,waxaa ka.loo la.yiri HILIB MINDILE
IYO HADAL MARKHAATILE MIDNA LAGUMA MERGADO waxaan saa u leeyahay walaalkey SH,Cabdiraxmaan inta uu ka.hadley iyo marxaladaha ay dacwadani soo martey waa wax jira oo xaqiiq ah raga culumada ah oo magacyadoodu uu sheegey ama caskariyiin ha.ahaadaan shibile in badan oo ka.mid ah waan aqaan qaarna weydhinteen ilaahey ha.u naxariistee qaana waa nool yihiin oo ayagoo da.ah ayey weli dacwadii ay yaraantii ku soo bilaabeen wadaan waxayna dhammaantood ku suganyihiin manhajkii toosnaa oo ay nagutarbiyeeyeen.ma.hubo waxaanse u malaeynayaa SH.Cabdulqaadir SH.Maxamuud inuu weli kusuganyahay manhajkii tagfiirnimada weliba uu madax u yahay tagfiirka soomaaliya uuna degenyahy magaalada QARDHO.haddii aan arintaas kukhaldanahay ha.leyga saxo.SH.CABDIRAXMAANA waxaan ilaahey uga baryeynaa inuu u fududeeyo xilkaas culu oo uu isu xilqaamey ayadoo aan ognahay wax culeys ah ee kuxeeran. WABILLAAHI TOWFIIQ
A/c sheekh alaah hakuxifdiyo cimrigaagana habarakeeyo aad ayaana umurogoodaa halka uu waxmarayo iyo dhibka dacwada laagasoomaray markaanfiiriyo ilaahay waxaan kabaryayaa inuu culimada noo ilaaliyo cilmigoodana noobarakeeyo inta dhimatayna unaxariisto culida uu sheekhu shegayna sheekhyada badhkood ayaa nooga sheekeeyay arinkaan waxaana kacodsanaynaa sheekha inuu kitaab kaqoro hadii uu kaqarayna uu noo sheego saan uhelo jazaakahaahu yaa sheekhanaa
A\C
Marka hore sheekhu waa mahadsanyhay, waxaase kula talin lahaa in uu qoraalada boog ka dhigo uu ugu magacdaro Dacadu towxiid min artu Soomaal ama wax u dhigma si uu dhaxal gal u noqdo waayo websiyda soomalidu malaha archive oo mid walba markuu xoogaa shaqeeyo ayuu hadada ka baxaam markaa qoraaladan waxaan uga baqayaa in ay lumuun.
wabilaahi towfiiq
Allaa mahad leh, anugu waan aqaanaa Sh C/raxmaan iyo badanaa Culumada uu kasheekaynayo oo waa culimadaydii iyo Asxaabtay…(waana Rag Alle siiyay sharaf & Diin) sidookale waxuu Alle itusay Rag maanta sheeganaya in ay diinta u adeegayaan oo shaqada ubadan kubixiya dhaleecaynta Ragaas Alle kumanaystay sharafta. Diintana usoomaray xanuun badan kuwani waa ragga dilay Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Dr Axmed Cabdullaahi & kumanaan Soomali ah waa kuwa ku khasbay culimo badan oo ragaas ah in ay kacaraan Somaliya, masaajidana kutukanwaayaan si aan loogu gaadin Jamaacada !!!!! Allaahu Akbar Allahu akbar Allahu Akbar. kuwaasi waxay ixusuusiyeen kuwii dilay Khaliifkii Nabi Maxamed SCW Cuthman Bin Caffaan oo udilay (siday sheegteen) in uu Diintii iyo Cadaaladii garamaray!!! Wallee nin aduunka kunoolaw maxaa aragti kuulaaban. Qofkii damiir leh oo akhriyay Qoraaladii been abuurka ahaa ee kooxdaasi oogu magacdaratay: masoogaadhay Gaal iyo Wadaad gaar uwada taagan hadana akhriya qoraaladan Sh Cabdiraxmaan (UURDOOX)waxaa kusoo dhaafaya khiyaar la,aan Ilmo (Illin) kulul hurdana maladaysid waxaadna kuqanci: in Barnaamijku yahay UURDOOX aan Alle looga baqanin haday noqoto : kubeen abuurashada Culimada, Dafiridda dadaalkii iyo dhibaatadii ay Diintan usoomareen iyo Fikirkan Takfiiga ah ee Culimada ceynaya Dhiigoodana banaystay:(ربنا اغفر لنا ولإخواننا الذبن سبقونا بالإيمان ولا تجعل في قلوبنا غلا للذين أمنو ربنا إنك غفور رحيم
(
sheekh cabdi raxmaan waxaan ka codsan lahaa in anu naga kala goyn qormadan oo aan is leeyahay waxay bud-dhig u noqon doontaa taariikhda dacwada soomaaliya .
Asc, sheekhow wa inoo qoramada 7aad haduu ilahay idmo, mida kale qoraaladada badi lagama daalayo runtii. Ilahay haku xidyo sheekhnaa.
Jazaakalaahu Kheyran, Sh C/raxman runtii waa taariikh aad u qiimo badan. Waxaan aad u dareemay farxad sida qotada dheer ee aad ragii mashruucaan kasoo qeybqaatay aad u xustay, kuwii waxa ku fahma Allaha naga dhigo oo wixii hore loo soo maray aan la burburin ee halkaas laga sii anbaqaado.
rag kalena waxay ku biireen dhaqdhaqaaqii cusbaa ee isku manhajka ahaayeen
لم أفهم هذه الجملة يافضيلته وإن كنت تعنى جماعة الإصلاح أليسو هم أقرب إلى العلمانية؟