Madaxweynaha Jubbaland oo tacsi u diray Shacabii lagu gumaaday Muqdisho (Video)
October 15, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaas lagu gumaaday boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay madaxada DFS iyo dhamaan siyaasiyiinta dalka in loo soo jeesto sugitaanka amniga iyo la dagaalka kooxda caadeystay Gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab .
Madaxweynaha Jubbaland ayaa is weydiiyay cidda la xukumi doono haddii shacabka maalin walbo la gumaado oo qaraxyadu ay sidaan u sii socdaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu danbeyntii tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii Isgoyska Zope wuxuuna caafimaad u rajeeyey kuwii ku dhaawacmay.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe )oo ka tacsiyeeyey Musiibadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Cabdi Yare
Kismaayo