Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool
April 4, 2012 - Written byBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in uu dagaal culus ka socdo Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay ciidamada Al-Shabaab ay weerar kedis ah ku soo qaadeen Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool.
Dagaalka ayaa ah mid xooggan waxaana uu ka socdaa gudaha Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool waxaana uu dhaliyey Khasaaro leh dhimasho iyo Dhaawac.
Sarkaal u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool ayna dileen Gudoomiyahii Dagmada Ceel-Barde Caweer Cumar Dheere, Taliyahii Ciidamada Degmada Dhurwaa , Taliyahii Saldhiga Degmada Ceel-Berde oo magaciisa lagu soo gaabiyey Saytuuni iyo madaxii Maaliyada ee Degmada Ceel-Berde Maxamad Bare.
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hogaaminayay dagaalka ayaa dadka deegaanka meel fagaare kala hadlay waxaana uu u sheegay in shacabka ay is dajiyaan ayna waxba u dhimi doonin dagaalkoodana uu ku wajahan yahay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM.
Wararkii ugu danbeeyey ee soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen Degmada Ceel-Berde xaaladana ay haatan degan tahay.
A/Cawale
Halgan.net