Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF oo sheegay in ay qabsadeen Buurhakaba, iyo Qansaxdheere
April 6, 2012 - Written byBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ay ku sugnaa duleedka magaalada Baydhabo oo wata gaadiid dagaal ay gaareen Degmada Buurhakabo iyo Qansaxdheere
Goobjoogayaal ku sugan degmada Buurhakaba oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegaya in Degmada Buurhakabo ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan kuwa Soomaali ah oo sheegay in ay daacad u yihiin DFKM wax dagaal ah kama uusan dhicin Degmada Buurhakabo.
Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho oo xiriir kala duwan la sameeyey Baydhabo ayaa loo xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ay haatan ku sugan yihiin Degmada Buurhakabo ,Qansaxdheere iyo Duleedka Ufurow
Ciidanka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Buurhakaba iyo Qansaxdheere ee gobolka Bay iyaga oo dagaalkooda u badalay mid dhuumaaleysi ah.Masuuliinta Ururka Al-Shabaab ayaa ilaa haatan ka hadal wili duulaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ay ku qabsadeen Degmada Buurhakabo , Qansaxdheere
Ciidamada itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa ilaa haatan gabsaday dhowr Degmo oo ka tirsan Bayiyo Bakool waxaana saaka laga soo sheegayaa deegaanka Ufurow iyo Degmada Diinsoor dhiilo colaadeed iyaga oo shacabka Degan ay ka baqayaan in ciidamada Itoobiya ay ku soo Duulaan Degmada Diinsoor.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net