Masjidka Ramadan ee Magaalada Galkacyo oo Xalay Lagu soo Gaba gabeeyay Nadwado (Masawiro)
May 14, 2018 - Written by EditorGalkacyo:-Masjidka Ramadan ee Magaalada Galkacyo ayaa waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyay Nadwo soconeysay Mudo Afar Habeen ah taasoo ay ka qeybgaleen culumo badan oo ka mida kuwa ugu caasan Gobalka Mudug. Nadwadan oo ay soo qaban qaabisay Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa waxay ka dhacday Masaajidda kala ah
Masjidka Ramadan
Masjidka Abii Hureyra
Intii ay socotay Nadwada ayaa waxaa ka faa’ideystay Dadweyne aad ufara badan kuwaasi su’aalo weydiinayay culumadii Nadwada ka qeyb galeysay waxaana ka mid ahaa mawaadiicda culumadu ay soo jeediyeen:-
Soo dhawaynta Bisha Ramadaan iyo Dheeraadka ay leedahay Axkaamta Bishada Ramadaan.
Cibaadooyinka in lagu dadaalo iyo Dheeraadka Toban danbe.
Su’aalo iyo Jawaabo
no images were found
Culumada ka Qeybgashay Nadwada
C/risaaq Warsame Maxamuud
Maxamed Jawhari
Dr Aadan Maxamed Cigaal
Badel Sugulle
C/casiis Garweyne
Si kastaba ha ahaatee sanad walba marka la gaaro Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadan ayaa waxaa Mu’assasada Al Minhaaj Mudug soo qaban qaabisaa Kulan Cilmiyeed lagu soo dhaweynayo Bisha Ramadan.
X.Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug