Wasiirada Ingiriiska ee arrimaha Afrika Harriett Baldwin oo soo gaartay magaalada Muqdisho
October 7, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay horkaceysay wasiirada Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin taas oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.
Wafdiga wasiirada ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxay ka wada hadleen arimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ay dowalada Ingiriiska ay in ay Soomaliya ku taageeri doonto.
Ra’iisul Wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay xaalada dalka uu marayo iyo horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay dhinacyada amniga iyo siyaasada waxaana uu u mahad celiyey dowalada Ingriiska sida ay mar walba u garab taagan tahay DFS.
Dhanka kale Wasiirada dowalada Ingriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin ayaa amaantay dib-u-qaabaynta maaliyadda ,siyaassada iyo amniga iyada rajo weyn ka muujisay in doorashooyinka dalka Soomaaliya ay noqdaan mid qofwalba codkiisa dhiibto lagana gudbo nidaamka 4.5.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net