Madaxweyne DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ereteriya iyo Itoobiya
October 18, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya iyo Itoobiya Mudane Osman Saleh iyo Mudane Workneh Gebeyehu kuwaas oo kulan la qaatay Madaxweynaha DFS waxaana ay fariimo uga sideen Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ereteriya iyo Itoobiya ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumari lahaa xiriirka ka dhaxeeya 3 dal iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa.
no images were found
C/Casiis Maxamed
Halgan.net