DFS oo loogu baaqey in ay soo fara geliso Dagaal Beeleedka ka socda Gobolka Sool.[Video]
October 23, 2018 - Written by EditorLaascaanood:-Gudiga Dhexdhexaadinta Beelaha walaalaha ah ee dagaalku ka dhex maray ee Koonfurta gobolka Sool oo la hadley Warbaahinta galabta ayaa si cadho leh ula hadley Xukuumada S/land eedaymana u jeediyey in aaney daacad ka ahayn soo afrajida Shaqaaqadan , Waxaana ay ku eedeeeyn in ay iyadu masuul ka tahey dagaalkii maanta ka dhacey Deegaanka Dhumey kaas oo uu ka dhacey dagaal socdey in ka badan 12 Saacadood .
Waxaana ay sheegeen in ciidamadii S/land ee lagu ogaa in ay kala ilaaliyaan ciiidmada 2-da beelood masuuliyadeedana qaadey ayaa isaga kala dhex baxey galabnimadii shaley , Subaxnimadii hore ee saakana dagaalkii halkaasi ka bilowdey ayna ku nafwaayeen dad badan , dhaawacyo badan sidoo kale uu ka dhashey , isla markaana la gubey magaalada Dhumey .
Gudigan ayaa waxay baaq u direen Dawlada Federaalka ee Somalia oo uu hogaaminayo madaxwayne Farmnaajo iyo Ra’iiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ., Waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen Maamulada kale ee Somalia sida Puntland in ay hawshaa daminteeda ka qayb qaataan .
Ugu danbayntii , Gudigan ayaa si cadho leh u sheegay in wax badan khaldan yihiin .Dhaawacyo badan oo saacadihi ugu danbeeyey la soo gaadhsiiyey Cusbitaalada Laascaanood ayaa Waxaa la xaqiijiyey dhimashada dad ka badan 20 qof dhaawacyo intaa ka badana la keenay Cusbitaaladka guud ee magalada iyo Cusbitaalka Gargaar .
Ugu danbayntii , Waxay gudiga dhexdhexaadintu ugu baaqeen in ay Dawlada Federaalka Somalia ay si dhaqso leh u soo fara geliyaan si colaadaan loo soo afjaro.
Hoos ka Daawo Warbixintii ugu danbeysay ee Beelaha Ku Dagaalamay Deegaanka Dhumay Ee Koonfurta Gobolka Sool.
Mowliid Ismail Diged
Laascaanood, Halgan.net