Darsigii 2-aad ee caawa Nadwadii10aad ee ka socota Masjidka Al Rowda Boosaaso(Dhageyso)

April 20, 2012 - Written by

Boosaaso:-Nadwo Cilmiyaadka 10-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa gashay caawa  habeenkii labaad waxaana caawa loo qorsheeyay in ay baxaan labo darsi oo ay  kala jeedin doonaan Sheekh Axamed Cabdisamed Cabdulle iyo Sheekh Maxamed Macalin Axmed waxaana darsi hore qaatay Sheekh Axmed Cabdisamed Cabdule oo ka hadlay Mowduuc ciwankiisu yahay ( Kalmado ku saabsan Manhajka _ كلملت في  المنهج  ) halka darsiga uu jeedin doona Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ka hadli doona ( Manhajka Ahlu Suna wal Jamaaca ee Xakumadda Dadka  منهج أهل السنة و الجماعة في الحكم على الناس)

Ugu horey waxaa darsiga qeybtiisa hore bilaabay Sheekh Axmed Cabdisamed Cabdulle wuxuuna ka hadlay Mowduca aynu kor ku xusnay Sheekha waxa uu ug horeyn sharaxaad guud ka bixiyay mowduuca oo ka hadli doono iyo dhinacyada uu taabanayo ama xidhiidhka la yeelanayo kadib waxa uu uga gudbay in uu si hoose u guda galo mowduca qeybihiisa kala duwan.

Sheekhu waxa uu ugu horeyn si guud u bidhaamyay in umadda ay tahay mid mideysan balse sunada alle ay tahay in dadku is khilaafaan taasina ay tahay mid aan laga hor iman Karin sida ay u qeybsameen umadii hore sida Yuuhuda iyo Nasaarada ay sidaa oo kale umada muslimka ahina u qeybo ilaa 73 qeybood ah ay noqon doono.

Sheekhu intaa kadib waxa uu u dhaadhacay ka hadlida Ummadda iyo sida ay u kala fadli badan tahay wuxuuna Sheekh xusay in Nabigeena Muxamad Ah SCW uu arintaa ka hadlay uuna Axaadiska ka sugnaatay arintaa ku cadeeyay Umadda u kheyrka badani ay tahay mida la nool iyo tan ku xigta iyo tan kusii xigtaa .

Sheekhu waxa uu si guud uga hadlay in Umadii hore ay ahayd Ummadda dadaal badan dhabarkana u ridatay dhibkii diinta loo soo maray ilaa heerka hadda la joogana ay yihin kuwa ay Diintu ku soo gaadhay dadaalki ay sameeyen , wuxuuna sheekhu intaa kadib si guud u bandhigay in Saxaabadii Rasuulkeena SCW ay ahaayeen kuwo fakhari ah ayna gaajo iyo oon darteen gaareen in ay u dhintaan mararka qaarna ayba dhacday, sidaa oo kale waxa uu Sheekh Axmed soo qaatay Saxaabiga Abuu Hureyra oo gaajo darted la suuxi jiray dadkana ay weydiin jireen masalooyin la xidhiidha diinta .

Sheekhu waxa uu intaa kadib u soo galay in Ummadu ay xiligii Nabiga SCW kadib ay la soo darseen dhibaatooyin ay ugu weyneyd in ay Diinta la leexdaan manhaj ahaan sidii Rasulka iyo Saxaabadu ahaayeen. Wuxuuna Sheekh Axmed bidhaamiyay in xilgaa wixii ka dambeeyay ay ummadu noqotay mid kala fogaata niyad ahaan iyo himilo ahaan daciiftay Allena uu u soo saaray jiilal cusub oo dib umadda ugu celiya manhajkii ka sugnaaday Nabigeena CSW.

Sheekhu waxaa uu dhinaca kale soo hadal qaaday kuna dheeraaday dhibaatooyinka iyo shirqoolada loo maleegay ama loo qoondeeyay Umadda Muslimka ah si ay u noqoto mid diinteeda ka fog ayna Gaaladu ugu tala gashay in Umada ay si maskax ahaan iyo muuqaal ahaanb aya u maamusho ama ay u hogaamisyo ka dib Sheekhu waxa uu tilmamo ka bixiyay qaar ka mid ah dhinacyada Umada laga soo weraray.

Weerarada ay gaaladu umadda ku soo qaaday ayuu sheekhu sheegay in hadafka ugu weyni ay ahayd beegsiga dadka Ahlu diinta ka ee dadka dariiqa saxda ah u sheegaya sidaa oo kalena ay ka mid ahayd in dadka lagu diro ama laga horkeeno si dadka dinta wada loogu arko in ay yihiin dad dano gaar ah leh .

Sheekhu intaa ka dib waxaa uu ka hadlay  fikirada khaldan ama lidiga ku ah Diinta ee u soo talaabay Dalka Soomaaliya kuwaas oo aysan Soomalidu  aysan keensan balse ay ahaayeen kuwo dibada uga imanayay ama dad fikirkaa wata ay imanayeen Soomaaliya iyadoo loo soo wakiishay meel marinta fakiradaa iyaga ah.

Sheekh Axmed waxaa uu  faah faahin ka bixiyay sida ay ku bilaabtay Dacwada Salafiga ah ee Soomaaliya iyo sixitaankii ay sameysay iyo sidii ay umadda u badbaadiysay  isku keenida Umadda Soomaaliyeed ayna arimahaas ay u martay dhibaato badan balse aysan dadka khasab wax uga badalin.

Sheekh Axmed Cabdi samed waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in Culimada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa dadka badbaadiyay gaarsiyayna halka ay hadda joogaan , waxa uu dhanka kale nasiib daro ku tilmaamay in Culimada ay la kulmeen meel ka dhac badan iyada oo dhacaday in qaar loo hanjabo dadka waxaa sameynayaana ay yihiin dad xer u soo ahaa culimada ama arday usoo ahaa  , arintaa ayuu Sheekhu ku tilmaanay arintaa in ay tahay waa mugdi ah uu la soo darsay Saxwada Soomaaliya

Sheekha ayaa baraarujin iyo tooyin badan ku soo gaba gabeeyay darsigiisa wuxuna Sheekhu tilmaamay kuna cel celiyay in Diinta islaamka ahi ay cadeysay qofka Muslimka ah iyo makaada uu bulshada ku dhex leeyahay  wuxuna ku soo gaba gabeeyay in ay lagama maar maan tahay in Culimada la ixtiraamo wuxuna Umadda Soomaaliyeed Alle uga bariyay in uu ka saaro dhibaatooyinka daba dheeraatay ee heysta.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada Sh Ahmed Cabdi Samed
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShAxmed_1.MP3]
ama Halkan

Sheekh Maxamed Macalin Axmed ayaa dariga labaad qeybtiisa labaad ka hadlay waxaanu Sheekhu ka hadlay mowduuc ciwaankiisu ahaa ( Manhajka Ahlu Suna wal Jamaaca ee Xakumadda Dadka  منهج أهل السنة و الجماعة في الحكم على الناس) Sheekhu waxaa uu mowduuca u kala qaaday ilaa dhowr qodob oo hoos imanaya dhamaantood Mowduuca guud ugu horeyna waxa uu sharxid cilmiyaysan ku sameeyay waxa ay tahay Ahlu suna Wal jamaaca iyo sida ay dadku hadda ka aaminsan yihiin ama ay ka filayaan.

Sheekhu intaa kadib waxa uu si hoos u guda galay lafa gurida iyo dul istaaga qeybaha kale ee mowduuca wuxuna sheekhu xusay in qofka hadba wadada uu bilaabo ay tahay mida waareysa ama lagu xasuusan karo hadii ay tahay mid xun iyo hadii ay tahay mid wanaagsan.

Sheekhu waxa uu intaa ka dib u soo galay ka hadlida Umada iyo sida ay tahay xaalada hadda lagu jiro iyo xaaladihii hore ee la soo maray Umaduna mar walba ay tahay mid heer joogta.

Sheekha waxa uu intaa kadib u soo galay bayaaminta Manhajka Ahlu suna wal Jamacaa wuxuna Sheegay in uu yahay manhaj asal ah oo wakhti soo jiray ee uusan ahayn mid ay keeneen 4-ta Imam ee Shaafici, Axmed  iyo labada Imam ee kale balse manhajkani mid looga dayanayo Quruuntii la amaanay.

Sheekhu waxa uu Sheegay in dadka qaar ay moodayaan ama ay aaminsan yihin in iyaga oo khaldan ay yihiin kuwo saxan arintaana ay tahay mid ka fiirsi badan u baahan  Diintuna ay arintaa cadeysay sidaa oo kale Nabigeenu CSW uu marar kala duwan arintaa .

Sheekhu waxaa uu Sheegay in umada ay dhibaatooyin kala duwan waxa laga doonayaa mar kastaan ay tahay in ay sunada rasuulka dib ugu noqdaan si ay dhibaatooyinka heystaa ay uga baxaan.

Sheekh Maxamed Macalin Axmed waxa uu xusay in Alle uu awoodo qof walbaa in uu ciqaabta dambigiisa u soo dadajiyo balse alle uu dib ugu dhigay , waxa uu Sheekhu tusaale u soo qaaday in dadka Soomaalida ahi hadii ay wadamada kale ee caalamka waydiiyan qofka Soomaaliga ah waxa ay  dadka Soomaalida ahi isku leynayan aysan garaeyn sababta arintaa iyadoo su’aasha ugu darani ay tahay taas.

Sheekhu waxaa  intaa kadib uu u galay ka hadlida arimaha dadka lagu xakumayo  waxaa uuna ugu hor mariyay Manhajka Ahlu suna wal jamaca in uu yahay mid dadka nabad galiya sidaa oo kalena aan dadka gaaleysiin sidaa oo kalena aan amaanin , waxa ugu horeeya ee ay Ahlu Suna waljamaca ay cadeysayna ay ugu horeyso Ictiqaadka oo ay ka dhigeen qalbiga qofka waxa uu ka aaminsan yahay camalkiisa iyo hadalkiisa.

Sheekhu waxa uu intaa kadib u guda galay ka hadlida qofa Iimaanka leh iyo heerka uu  joogo iyo sida ay u kala duwan yihiin qofkaa iyo kan aan lahayn iimaanka saxda ah .

Sheekh Maxamed Macalin waxa uu ku dheeraday Ictiqaadka ama Iimanka furuucda uu leeyahay wuxuna sheegay in Qofka sida dhabta ah u leh IImaan sax ah uusan marna is badalin si kastaa oo ay dhibaatooyin u soo food saran Ahlu Suna Wal jamaacana ay aaminsan tahay in qofka muslimka ah hadii Iimaankiisu nusqaami uu wali yahay qof muslim ah halka Firqooyinka kale ay aaminsan yihin in qofkii IImaankiisu nusqaamo uu yahay qof ka baxay Diinta Islaamka , Manhajka Ahlu Suna wal jaamacana aysan gaaleysiin qof ka mid ah Umada Nabi Muxamed SCW .

Sheekhu waxa uu dhinaca kale tilmaamay Firqooyinka leexsan iyo waxyaabah ay aaminsan yihin oo u wax ka tilmaamay wuxuna xusay in Firqooyinkaasi ay yihin kuwo dhibaato ku sugan kana fog manhajka saxda ah ee ay ku sugnaayeen Nabiga SCW iyo Saxaabadisa iyo Salafkii ka dambeeyay .

Sheekhu waxa uu gaba gabadii ku soo aruuriyay in Manhajka Ahlu Suna wal Jamaaca manhajkaa uu yahay  mid cad oo dhex dhexaad ah salafkuna ay arintaa cadeeyeen umadana u cadeeyeen.
Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada Sh Maxamed Macalin

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shmaxamed.MP3]

ama Halkan

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Maashaa allaah Ilaahay ha idin barakeeyo walaalaha Halgan ee guntiga u adkeystay faafinta dacwada salafka ee tashwiiha badi uu galay sanadadaan dambe,sidoo kale alle ha noo xifdiyo culimadeenna doorka weyn ku leh dacwada shacabka soomaaliyeed ee koox shalay soo ruclaysayi ay doonayaan inay ka majara habaabiyaan dacwadii saafiga ahayd ee ilaahay ku liibaanay dalkaan iyo dadkaan.sii wada ayaanu idin leenahay bahda Halgan dedaalkiina xaqiiqo ahaanna waad ku sifowdeen magaca aad wadataan ee Halgane….

Leave a comment

*