Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo la kulmay Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gadafuu.[Video]
April 7, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gadafuu.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulankan warbixin uga dhegaystay Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gadafuu, oo Madaxweyne ku-xigeenka la wadaagay halka ay wax u marayaan iyo sida uu u socdo, Qorshaha loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn xooggan ku yeesheen Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.
no images were found
Ugu danbeyna Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ayaa bogaadiyay Shaqada socota iyo dadaalka loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.