Afhayeenka Madaxtooyada Puntland muxuu ka yiri badeecaddaha quutul daruuriga ah ee ka soo dega dekedda Boosaaso.

April 22, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed iyada oo illaalinaysa xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyinka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , isla markaana cunnadii lagu quudan jiray gudaha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafimaad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto.

Puntland marna ma xayirin, mana xayiri doonto badeecada dadka Soomaaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaaso. Tusaale ahaan Puntland ma xayirin wax canshuur dheeri ahna kuma soo rogin badeecada u socota gobolka kale.

Taa baddalkeeda xaaladda Caafimaad ee jirta awgeed Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne.

Dadka iyo dawladda Puntland marna kama suuroowdo in ay duruufaha adag ee dalka ka jira u isticmaasho aalad cadaadis kuna dhibaatayso ummadda Soomaaliyeed ee la daalaa -dhacaya cudurrada, colaadda, abaaraha iyo fatahaadaha.

Sidii dhaqanka u ahayd dadka iyo dawladda Puntland waxay mar walba u taagan yihiin sidii ummadda Soomaaliyeed looga difaaci lahaa aafooyinka, guud ahaanna dib loogu yagleeli lahaa dawladnimada Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online