Ganacsatad Gobolka Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso.[Video]
April 23, 2020 - Written by EditorHiiraan:-Ganacsatada Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari ayaa waxaa ay ka hadleen hadalo saxafadda uu ka sii daayey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan taas oo ku saabsan raashinka quutul daruuriga ay kala soo degaan dekkadda Boosaaso oo ilaa intii burburku dhacay ay ka ganacsanayeen.
Ganacsatada Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari ayaa sheegay in mudo dhan 23 sano ay ka ganacsanayeen Gobolka Bari ayna wax kala soo degayeen dekkada Boosaaso iyagoo aan la kulmin wax dhibaato ah.
Ganacsatada Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah ayna fiicnayn in laga dhex abuuro fidno salka ku haysa arrimo siyaasadeed waxaan ay cadeeyeen in shacabka Puntland iyo shacabka ku dhaqan Gobolka Hiraan ay ka dhexeysa walaalnimo iyo in ay isku gurmadaan.
Dhinac kale Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in uu u mahad celinayo ganacsata gobolka Hiiraan isagoo dhinac kale wax laga xumaado ku tilmaamayo in dadka Soomaaliyeed laga dhex abuuro fidno iyo wax aan u wanaagsanayn wada jirkooda.
M_M_Deeq
Halgan.net