Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo gaaray Qardho [Dhagayso]
April 28, 2020 - Written by EditorQardho: Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid culimada iyo ducaada oo ka soo kicitimaya magaalad Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa saaka gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar si ay bal uga soo diyaariyo warbixin dhamaystiran iyo khasaaraha gaaray magaalada Qardho.
Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ku sugan magaalada Qardho ayaa waxaa uu iiga waramay khasaaraha gaaray magalaada oo isagu jira hanti biyihu qaadeen , guryo dumay , iyo dhimasho gaaraysa ilaa 6 qof inta hadda la hubo walow ay jiraan dad weli la’la yahay.
Culimada Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Sh Fu’aad ayaa waxaa lagu xasuustaa gurmadkii ay u sameeyen dadkii ay ku dhacday Abaartii Sima iyo weliba gurmadkii shacabka soomaaliyeed ee Beledweyne ee dhibtu ka soo gaartay Fatahaadii webiga.
Dhinac kale culimada ,ducaada, maamulka Gobolka Qardho iyo waxgaradka ku sugnaa magaalada Qardho ayaa waxaa ay wadaan dadaal ay ugu gurmana yaan dadkii dhibku ka soo gaaray roobabkii xalay iyo daadadkii ku soo rogmaday magaalada Qardho.
Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa nala wadaagi doono khasaaraha iyo hantida ku burburtay roobabkii iyo daadadkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
M_M_Deeq
Halgan.net