Guddoomiyaha Golaha Wakilladda Puntland oo Hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed
May 15, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakilladda Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sannadguuradii 77-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ahaa ee dalkeena.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waxaan Hambalyo iyo bogaadin ku aadan 77-guurada 15ka May Hawada u marinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada reer Puntland. Maanta oo kale waa maalinkii uu aas’aasmay halgankii gobonimodoonka ahaa ee ku dhisnaa wadaniyadda, dadnimada iyo gaadhista dad iyo dal xor ah oo Dawlad ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL
Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdi rashiid Yuusuf Jibril ayaa si gaar ah u xusay 13kii halgame ee SYL iyo intii garab istaagtay ee inoo keenay madax-banaanida Soomaaliya ee maanta la wada dugsanayo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net