Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray ciidanka Booliska Soomaaliya.

December 20, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
December 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online