Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Sudan
January 1, 2013 - Written bySudan:Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Sudan gaar ahaan gobalka lagu magacaabo Blue Nile halkaas oo lagu qabtay xaflad lagu maamuusayo sanadguuradii 57 ee ka soo wareegtay markii ay xoriyada qaateen wadanka Sudan waxaa kale oo lagu daahfuray Mashruuc Biyo xireen ah oo ay dowlada Sudan ka furtay gobalka lagu magacaabo Blue Nile.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Damaaziin ee gobalka Blue Nile Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir waxaana ay wada qaadan doonaa kulan ay ku gorfeyn doonaan xaalada Soomaaliya.
Dowlada Sudan ayaa u balan qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed in ay u sameyso lacag Shilin Soomaali ah waxaana kale oo ay dowlada Sudan ka caawisaa DFS tababarka Ciidanka Booliska iyo kuwa Melatariga.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya masuuliin ka tirsan labada gole ee DFS waa booqashadii ugu horaysay uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka Sudan ilaa iyo intii loo doortay Madaxwaynanimada Soomaaliya 10 bishii September sanadkii 2012.
A/Cawale
Halgan.net