Shirkii Odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug ugu soo xirmay Degmada Goldogob
January 3, 2013 - Written byGaalkacyo:-Waxaa maalin ka hor ku soo gabagaboobay magaalada Goldogob shir u socoday isimada dhaqanka ee Gobolka Mudug waxaan shirkaas abaabulkiisa lahaa Suldaan C/salaan Suldaan Maxamud ahna Madaxa xarunta ka shaqaysa Nabadda Geeska Afrika.
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimmo si weyn looga qadariyo degaanada Mudug iyo degaamada Puntlland waxaan shirka uu u badnaa xog waraysi ku aadan ka shaqaynta dhinac nabadgelyada iyo in la iska kaashado horumarka kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Mudug.
no images were found
Hoos ka eeg Baaqa laga soo saaray Shirka isimmada uga socday Galdogob
- In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada gobolka iyo midda guud-
- In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda mida guud iyo mida gobolkaba.
- In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah.
- Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii laga lahaa shirka.
- Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad.
Isimada Shirkaan ka qeybgalay baaqana soo saaray
Ugaas Cali Ugaas Maxamed
Islaan Bashiir Islaan Cabdille
Ugaas C/qaadir Cilmi Filig
Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed
Suldaan maxamed Jamac Shire
Islaan Xassan Cigaal
Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas
Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle
Suldaan Cabdi Bile
Suldaan C/rishiid Muuse Shire