Masjid weyn oo lagu magacaabo Jaamicu Al-Saxaaba oo laga Furay Hargeysa
January 5, 2013 - Written byHargeysa:-Waxa laga furay taariikhdu markay ahay 22/2/1434 h waafaqsana 3/1/2013 m laga furay magaalda Hargeysa ee xarunta Somaliland masaajid aad u wayn oo lamagac baxay jaamicu saxaaba masaajidkan oo ay fulisay jimciyada Al-manhal ayaa waxa uu ka kooban yahay qaybo kala duwan sida:
Jaamacad, qayb dumar , guri imam, xafiisyo,iyo qaybo kale oo owqaaf u ah masaajidka,Hadaba furitaankii masaajidka oo loo sameeyay xaflad aad loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo isugu jira wasiiro ka socda xukuumada Somaliland , salaadiin,culimo, odayaal, Waxgarad iyo Salaadiiin iyo dad weyne kala duwan.
Xafladan lagu furay Masjid weyn oo lagu magacaabo Jaamicu Al-Saxaaba ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadlay
1- Shiikh Maxamad Salaan Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka jimciyada Al-manahal waxaa sheikhu ugu horeynba uu war bixin kooban ka bixiyay maraaxishii uu soo maray dhismuhu ,iyo qaybaha uu ka koobanyahay , isaga oo sheegay in dhismaha la bilaabay Abril 2010 ilaa mudadaana ay socotay howshu,waxa kale oo uu sheegay inuu masaajidka cabirkiisu yahay 20×30.
no images were found
2-Sheekh Cismaan Cali Xuseen ayaa isana ka hadlay xaflada lagu daahfuray masjidka weyn ee Al-Saxaabah waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in lagu camiro masaajidka ale kacabsi iyo acmaal wanaagsan, waxa kale oo uu tilmaamay ahmiyada masaajidu leeyihiin
3-Sheekh Maxamad aadan muxumad oo ah imaamka iyo khadiibka masjidu Cali Mataan,Ayaa isaguna waxa uu ka hadlay nadafada masaajidka iyo dayactirkiisa iyo in marwalba loo foojignaado, sidoo kale waxa uu wax ka tilmaamay jaamacada iyo sida loogu baahnaa iyo ahmiyada ay u leedahay guud ahaan bulshada.
4- Sh eekh Ciise Maxamuud C/laahi oo ah gudoomiyaha dhinaca tacliinta ee hay,ada Qarnu ifriiqiya iyo khadiibka Masjidu Salaam ayaa isaguna dhankiisa waxa uu u mahad celiyay jimciyada manhal iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgalinta markiskan
5-Dr Cabdi Qan Xuseen Maxamad oo ah madaxa jaamacada badar Jaamacadan iyo ahmihada ay inoo lee dahay , wax yaabaha ay hiigsanayso mustaqbalka.Mabaadi.da jaamacada oo waafaqsan diinta islaamka ,qaybaha ay ka koobantay jaamacadu, shahaadooyinka ay bixinayso .iwm
6-Sheekh Cawil Faatax Shire oo ka mida culimada magaalda Hargeysa ayaa isaguna munaasibadaa ka jeediyey hadal gubaab ah isaga oo mahad celiyey Jamciyada Al-Minhal.
7- Suldaan Maxamad Xasan ayaa isaguna dhankiisa waxaa uu tilmaamay masaajidka iyo Waqtigii nabiga صلى الله عليه وسلم ahmiyda uu ulahaa mujtamaca iyada oo looga faa,iidaysan jiray dhinacyo kala duwan
Guntii iyo gabagabadii xafladan waxaa soo xidhay wasiirka wasaarada diin iyo awqaafta Maamulka Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi ,wasiirka oo ay farxadi ka muuqatay ayaa tilmaamay ahmiyada uu u leeyahay masaajidkani wasaarada iyo wax qabadka wasaaradiisa ee ku aadan masaajida ,iyo ahmiyada jaamacada inoo leedahay.
Hargeysa
Halgan.net
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
2 Comments so far
Leave a comment
A/C, Alle ayaa mahad leh. intaa ka dib waan idin salaamay dhamaantiin gaar ahaan bahda web site kaan.
Alle haka amaal mariyo asxaabtii dhistay masjid kaan anagana fursadaan oo kale Alle hana waafajiyo intaan aduun ka joogno.
Masaajidu waa meel cajiib ah, wax yar haddaad fadhiso waxaad dareemaysaa qabow iyo daganaasho xagga qalbiga iyo jirkaba ah, marka walaalayaal aan ka faaiidaysano.
Mahadsanidin.
Sidaa iyo amaana Alla.
Masha Allah waa wax aad loogu farxo waa faa,iido u soo hoyatey Muslimiinta iyo meel ilaahay lagu caabudoo cusub.
Sidoo kale masaajid kaliya aan lagu ekaan ee ha lagu daro Goobaha adeega Bulshada sida. Rugo caafimaad,Isbitaalo,Meelo xirfadaha yar yar laga barto, Iskuulo bilaash ah oo dadka fuqarada ah caruurtoodu dhigtaan I.W,M.
Kheyr badan Allaha ka siiyo Cid walba oo fududeysay Dhismaha Masjidkaan Khaasatan Hay,adda Al Manhal.