Gal-Mudug oo gawaari laga soo dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ku wareejisay Puntlland.[Daawomasawiro]
January 10, 2013 - Written byGaalkacyo:-Waxaa shalay Taliska maamulka Gal-Mudug ay ku wareejiyeen Taliska ciidanka Booliska Puntlland ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ilaa labo gaari oo midkood yahay Market halka kan kalena uu ahaa Gaariga Loo yaqaano NOHA oo dhac ay u geysteen koox dhalinyaro ah oo burcad ah.
Munaasabadaan ayaa waxaa ay ka dhacday Taliska qaybta ciidanka Booliska ee maamulka Gal- Mudug waxaan ka soo qayb galay dhinac Puntlland Guddoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac , Guddoomiye ku xigeenka 1aad Farxaan Cali Xirsi iyo Taliyaha Qaybta ciidanka Boliska Gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed.
no images were found
Dhinaca Gal-Mudug ayaa waxaa munaasabadaan gawaarida lagu wareejinayo ka soo qayb galay Gudoomiyaha Gaalkacyo ee dhinaca Gal-Mudug Aways Cali Siciid , Taliyaha Ciidanka Boliska Gal-Mudug Cabdi Jaamac Xabeeb ,Taliyaha Qaybta Boliska Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali.
Xafladaan ayaa waxaa hadalo koob kooban ka jeediyey gudoomiyaasha Gobolka Mudug ee 2-da maamul waxaan ay isku raaceen in si wada jir ah looga shaqeeyo Nabadgelyada iyo amaanka si looga hortago kooxaha burcad ah ee dhibaatada ka geystay 2 dhinac.
Sidoo kale Taliyaasha ciidanka Booliska ee 2-da maamul oo goobta iyaga ka hadlay ayaa waxaa ay ugu baaqeen bulshada reer Gaalkacyo in laga wada shaqeeyo sugida amniga iyo in kooxaha ka dhexwada qaska iyo amaan darada 2-da maamul si wada jir ah looga hortago.
M_M_Deeq
Halgan.net