Ciidamada DFS oo howlgalo balaaran ka sameeyey magaalada Muqdisho
January 14, 2013 - Written byMuqdisho:-Ciidamada DFS ayaa saaka howlgalo balaaran ka sameeyey magaalada Muqdisho waxaana ay howlgaladaas ku soo qabteen dad aad u tiro badan oo gaaraya ilaa 477 sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha nabadsugidda gobalka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg
Howlgaladan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa saf-ballaaran ah waxaana ay ciidamada DFS ay si gaar ah u bartilmaamsadeen degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir,
Taliyaha nabadsugidda gobalka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howlgalada ay bilaawdeen xalay waxaana uu sheegay in 47 7 ay soo qabteen balse markii danbe ay sii daayeen qaarkood waxaana xabsiga loo taxaabat 137 qof oo looga shakisan yahay in ay lid ku yihiin amaanka magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Taliyaha booliska ee gobalka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalada saaka ay ciidamada DFS ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir waxaana uu sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya ciidamada nabadsugidda ee gobalka Banaadir iyaga oo ku eedeeyey in ay iska raafaan dad shacab ah oo aan wax shaqo ah ku laheyn Ururka al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net