Wafdi heer sare ah oo ka tirsan xukuumada DFS oo gaaray magaalada Baydhabo
January 28, 2013 - Written byBaydhabo:-Wafdi ka kooban wasiiro ka tirsan DFS ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay waxaana wasiirada ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo masuuliin ka tirsan Maamulka magaalada Baydhabo .
Wafdiga maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha C/Kariin Xuseen Guuleed ,Wasiirka G/dhiga eee DFS C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jen Shariif Sheekhunaa Maye iyo saraakiil kale.
Wafdiga ka tirsan DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay Maamul u sameeyaan gobalada Baay Bakool xili uu halkaas ka socdo kulan ay ka qeybgalayaan waxgaradka iyo siyaaasiyiin Bay iyo Bakool.
Maalmahan ayaa waxaa ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay shirar ay wadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Bay iyo Bakool si Maamul gobaleed loogu sameeyo gobalka Bay Bakool mana cada ilaa haatan mowqifka madaxda DFS .
A/Cawale
Halgan.net