Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn W/Q: Maxamed Nuur Shire
February 1, 2013 - Written byNairobi:-Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn: waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono sida ay waddaniyiintu ugu yar yihiin dadka ku hadla luuqaddan aan qalinka u qaatay inaan amuurtan ku lafa guro. Dadka Soomaaliyeed intooda badan waa reer guuraa asal ahaan, sida la wada ogyahayna dadka reer guuraaga ah majirto meel ay si gaar ah u leeyihiin, qofka miyiga ka war qaba ayaa garanayee, reer guuraagu hadba xero ayey dagaan, midda ay ka guuraanna waxa ay ka rartaan alaabadooda, cidda iyaga kaga dambeyneysana dan kama laha.
Reer guuraagu meelaha ay isugu yimaadaan waxaa ka mid ah Ceelasha, Keliyada ay soo maraan biyaha Baraagaha, iyo dhulka daaqsinka ah ee loo soo naq raaco, waxaana dhacda in dadka reer miyiga ah ay meelahaas ku dagaalamaan, iyadoo dagaal boqolaal sano ka hor amuurahaasi ka bilowday laga yaabo in weli leysu aaneysto.
Dhaqankii noocaas ahaa wuxuu Soomaalida la soo galay magaalooyinka, waxaana tusaalayaal badan laga heli karaa sida Soomaalidu ay magaalooyinka ugu dhex-guur- guuraan. markii guryo waaweyn laga dhistay magaalooyinkana weli ma harin dhaqankii reer guraanimada ahaa.
Soomaalidii u qaxday waddamada dibadda dhaqankaas kama harin, waxaana jirta inay isaga kala gooshaan magaalooyin, waddamo, iyo qaarado, iyadoo meel walboo aad tagto ama maqasho ay ka jiraan Soomaali isdaba-mareysa, waxayna taasi dhacdaa marka qofi diyaarad u raaco waddan kale si uu reerka ugu soo sahmiyo, ma mooddaa in weli odaygii reerka miyi roobka u sahmin jiray uu waddamada caalamka isaga kala gooshayo si uu reerka ugu raro sharcina uga qaataan hadba waddanka ay nolosha fiican ku tabayaan.
Haddii aan ku soo laabano gudaha waddanka, magaalo walba hadda waa isbedeleyaan dadkii ku noolaa. 10 sano guduhood waxaad arki kartaa in magaalo dhan ay dadka intiisii badneyd ka taagaan iyagoo meel kale u wareega, waxaana laga yaabaa muddo aan badneyn magaalo aad ka maqneyd inaad cidna ka garan weydo haddii aad dib ugu laabato, mana ahan arintaasi mid ku gaar ah deegaan.
Ina soo celi
Dhaqanka noocaas ah ee asal ahaan ay Soomaalidu u badan tahay, ayaa waxaa u raacay in ayan dadku helin wacyi gelin la xiriirta waddaniyadda, iyadoo dadka hadda nool wixii dowladnimo Soomaaliyeed soo gaaray ay in badan iskaba iloobeen mowduucaas, kuwa badanna ayanba war iyo wacaal u heynin wax la yiraahdo waddaniyad, waxayna indhaha kala qaadeen iyadoo qolo walba ay deegaan gaar ah ilaashato, taasoo iyada xitaa sida lagu wada joogo ay iska tahay “allow sahal”.
Waddaniyad la’aantu Soomaalidu iskuma dhaanto marka laga hadlayo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana tusaalayaal ka soo qaadanayaa dhowrkan qolo ee hoos ku taxan:-
1-Siyaasiyiin
2-Ganactaso
3-Wadaaddo
Haddii aan isku dayo inaan aad u soo uruuriyo qormada aan mid mid isu dul-taago 3-da qolo ee aan kor ku taxay, anoo kalsooni buuxda ku qaba in qeybaha kale ee bulshadana ayan kuwan waxba dhaamin, balse mid walba ila fiiri sida ay uga maran tahay waddaniyadda.
Siyaasiyiin
Eedeynta Siyaasiyiinta, waa mid la wada fahmayo, isla markaasna cidina uma damqato wax ka sheeggooda, sidaas daraadeed cidda wax ka sheegeysana uma naxdo, kuwa maqlana kama bakadaan, sidaas ayaa sahleysa in eedeha loo soo jeedinayo ay inta badan bulshadu wada fahanto. Aniga oo intaa ka soko maraya aan isku dayo inaan banaanka soo dhigo sida siyaasiyiintu uga dhar la’yihiin waddaniyadda, waa intooda badanee:
Dalka oo dhan waxa uu u rahman yahay in siyaasiyiintu gaaraan danahooda, nabad, nolol iyo horumarna inta cirku jiro ayey jiraan haddii aan la yeelin waxa ay doonayaan siyaasiyiinta faraha badan ee dalka isku haysta, nooc kasta oo ay yihiin. Haddiiba hal siyaasi ama dhowr isku dan ah lala xaali lahaa maxaa inaga bi’i lahaa, waa siyaasiyiin badan oo qaarba dhinac u yaacayaan, qaarba wax nagu beer laxawsanayaan kuwaba shaar nooc ah soo xiranayaan, mid walba ama koox walbana ay ka taagan tahay “ Cadnaakoow ku cunay ama ku ciideeyey” mid walba ama koox walba ay haysato taageero dibadeed, tabarta taageeradaasi intii ay dooneyso ha le’ekaatee. Siyaasiyiintaasu waxa ay sababeen in dalkii hooyo ay qurumo shisheeye ku hardamaan, qaarba wax ay ku andacoonayaan, kuwo waxa ay huwan yihiin shaar isbeheysiyo dibadeed, goloyaal caalami ahna waa laga soo ansixiyey. Kuwo kale waxa ay xiran yihiin shaarar diimeed dalka meel ay ka soo galeen lama yaqaanno, ciddii soo hadal qaaddana iyadaa cirka roob ku og.
Ganacsato
Markii meesha uu ka baxay nidaamkii dowladnimo ee Soomaaliya horraantii 1991, waxaa dhacday in dad ganacsato ah ay magaalooyinka kala baxaan wixii maar ahaa ee ku jiray biraha. warshadihii dalku lahaa wixii qalab ahaa ee ay lahaayeen si aan xilkasnimo ahayn ayaa loo gatay. dhirtii dalku lahaa in badan oo ka mid ah waxaa xaalufiyey ganacsato si ay dhuxul uga dhigaan, una dhoofiyaan. ugaartii dalka warkeedba daa. xoolihii dheddeg waa dhoofiyeen in badan.
Waxay dalka keeneen Daawo dhacday, raashin dhacay iyo wixii la mid ah, dal jaceyl meesha ay ka joogaan iyo dadkiisa intaas waa inagaga filan tahay. iyadoo ay intaasi jirto haddana dadka ganacsiga ku jira ee Soomaaliyeed sidaas ma wada ahan, laakiin kuwa aan dalka iyo dadka aan dan ka lahayn ayey u badan yihiin.
Qeybta wadaaddada iyo in aan ku dari doono dib ayaan u dhiganayaa waa inoo qormadeena dambe insha allaah.
W/Q: Maxamed Nuur Shire
mnuur10@gmail.com