Wafdi ka socda IGAD oo Kismaayo yimid iyo Qarax ka dhacay xaafadda Calanley
February 8, 2013 - Written byKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose wafdi ka kala socday Gudiga farsamada Maamul usameynta gobalada Jubooyinka iyo IGAD waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo masuuliin ka tirsan Maamulka KMG ah.
Wafdiga Gudiga Farsamada Maamul usameynta gobalada Jubooyinka ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobalada Jubooyinka kuwaas oo wafdiga ka soo raacay magaalada Nairobi.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa qaban qaabada Shirka Maamul loogu sameynayo gobalada Jubooyinka kaas oo ka furmi doona magaalada Kismaayo maalmaha soo socda .
Dhanka kale waxaa maanta qarax lala eegtay Ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo kuwaas oo ka yimid Garoonka Diyaaradaha waxaana ciidanka uu marayey xaafadda Calanley qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 3askari oo ka tirsan Ururka Raaskambooni.
Afhayeenka Maamulka Ku meelgaarka ah ee magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa xaqiijiyey qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo balse wuxuu diiday in Khaasaro uu gaaray ciidanka Miinada loo dhigay.
Cabdi Yare
Kismaayo