Gudoomiyaha guddiga fulinta ee kooxda Ahlusunah oo ku geeriyooday Muqdisho
February 13, 2013 - Written byMuqdisho:-Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ahaa gudoomiyaha guddiga fulinta ee kooxda la baxday Ahlusunah Waljamaaca ee gobolada dhexe .Xeefow ayaa waxaa xalay ku soo booday xanuun waxaana saaka la keenay magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha guddiga fulinta ee kooxda la baxday Ahlusunah Waljamaaca ee gobolada dhexeMaxamed Yuusuf Xeefoow ayaa waxaa uu qabay xanuunka sokorta sida qaar ka mid ah eheladiisa ay u xaqiijiyeen warbaahinta.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ee DFS ayaa xaqiijiyey geerida Sheekh Maxamed Xeefow waxaana uu tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo ehelada uu ka geeriyooday Sheekh Xeefow.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net