Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray Eheladii Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan
February 14, 2013 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu u tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qoyskii,asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo xubin ka ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tilmaamay Xildhibaankii geeriyooday inuu ahaa Xildhibaan kasoo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo anagana iyo eheladiisana samar iyo iimaan naga wada siiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud tacsi u diray Eheladii Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan
AAMIN, AAMIN,AAMIN.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia