Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah Sheekh C/qaadir waxaa dilkiisa ka Danbeeyey Ururka Al-Shabaab
February 16, 2013 - Written byBoosaaso:Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah oo uu ka mid ahaa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa Bayaan ka soo saartay dilka Shalay loogu geystay magaalada Garoowe gaar ahaan Masjidka Al-Bedar xili Sheekh C/qaadir uu ku jiray Salaadii casar rakcadii u danbeysay . Waxaa wili socda kulamo aan kala kac lahayn oo ay leeyihiin makaatibka kala duwan ee Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah taas oo ay jawaab uga bixin doonaan dilka Sheekh C/qaadir Nuur faarax raximahulaah. Culimo ‘udiinka ayaa waxaa ay ugu baaqeen , waxgaradka , Isimada iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo a joogaan in shir deg deg ah ay iskugu yimaadaan Shirkaas oo looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa khatarta dadka banaystay dhiiga muslimiinta iyo gaar ahaa culimada Soomaaliyeed.
Nuqul ka mid ah Bayaanka ay ka soo saareen Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa soo gaaray Halgan.net hoos ka akhriso.
Halkan ka Akhriso bayaanka ay Ururka Al-Ictisaam ka soo saareen dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah. Bayaan Ururka Al-Ictisaam oo Bayaan ka soo saaray dilka Sh. Cabduqaadir Nuur Faarax [Af-Carabi] .
Halgan.net
Boosaaso
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
7 Comments so far
Leave a comment
ILa hayow danbigiisa iyo danbigayaga ba dhaaf ilaahayow shiikha janadii firdawsa gee
ilaa hayow wixii dilay na ga kaafi ilaa hayow soo hadee wixii erey iyo ulba kula haa dilkii shiikha
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
Sheekha Allaha u naxariisto waana in sidaas lagu iloobin dadkii dilay ee meel looga soo wada jeesto inagoo aan xad gudbin sidoodoo kale. waa in aan ka war sugno culumadda soomaaliyeed ee diinta sida fiican ee wasadka ah u bartay.
ilaahay shiikh haw naxariisto anagana dabadood hana fitnayn ilaahayna hasoo qabto cidi dishay shiikh oo haduleeyo if iyo aakhiraba
WAXAN HALKAN TACSI TIRANYA LEH UGA GUDBINAYAA SHIKHEENI WALIBA WAXAN DHIHI KARA INU AHAA SHIKUL UMMAHA ILAHEY SABIR IYO IMAN HA INAGA SIIYO ILAHEY GACANTISA MIDIG HAKA SIIYO KITABKISA JANATUL FIRDOWS HA KAWARABIYO
Allah Janooyinkiisa fasiixa ha geeyo sh Abdulqaadir shiikhaygii ayuu ahaa. Waxaan ku xassuustaa kitaabka saxiixul muslimka oo uu noogu akhrin jiray sanadihii 85-86 amasjidkii Ceel Hidi ee Muqdisho. Kuwa dilay waa daalimiin inxiraafka ku fogaaday oo waxbadan looga digay ummada. فاعتبروا يا أولي الألباب.
alla ha unaxariisto
alaah ha unaxariisto sheekh waan uducaynay naa dhamaan muslimiinta maqashay geerida sheekh c/qaadir nuur faarax