Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Hormarinta oo tacsi u diray Ehelada Sh C/qaadir Nuur
February 16, 2013 - Written byMu’asasada Safa ee Dacwada iyo Hormarinta waxa ay tacsi u direysaa dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan Culimada iyo Eheladii uu ka geeriyooday Sheikh C/qaadir Nuur Faarax oo geeri naxdin leh ku timid shalay 05 – 04 – 1434 H / 15 – 02 – 2013 M isagoo ku jira salaadii casir gudaha Masjidka Beder – xaafada Hodan ee magaalada Garoowe uu nin dhagarqabe ah ku toogtay, waxaan ilaahay uga baryeenaa inuu jannada firdowso ku abaal mariyo sheikh C/qaadir Eheladii uu ka geeriyoodayna sabar iyo iimaan ka siiyo
sheikhu waxa uu ahaa caalim umadda soomaaliyeed si wayn u yaqaanaan gudaha Somalia iyo dibadaba , waxa uu ku cireestay sheikh C/qaadir ( allaha u naxariistee ) u khidmeenta diinta iyo u istaagidda dacwada , waxa uu macruuf ku ahaa qeexida iyo caddaynta xaqqa sida waafaqsan shareecada islaamka.
Dhamaan umadda soomaaliyeed meel kasto ay jogaan waxaan ugu baqaynaa arimaha soo socda:
1- In alle laga cabsado laguna dadaalo raali galinta alle, Dhiiga Muslinkana laga fogaado.
2- Shirqoolada iyo hagardaamada ay cadowga diinta iyo umada soomaaliyeed u soo maleegayaan oo ay ku beegsanaayaan culimada iyo waxgaradka in laga feejignaado.
3- Umada soomaaliyeed inay ilaashato Difaacdana Culimadeeda iyo dadka bulshada waxtarka u leh.
Ugu danbeentii waxaan soo jeedineynaa in wacyi galin waafaqsan fahanka saxda ah ee diinta islaamka loo abaabulo qaybaha kala duwan ee bulshada soomaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.
Maamulka Mu’asasada Safa
ee Dacwada iyo Hormarinta