Sheekh Maxamuud Shible oo caawa muxaadaro ka jeediyey Masjid Bilal ee magaalada Jigjiga
February 21, 2013 - Written byJigjiga:-Sheekh Maxamuud Shible ayaa caawa oo jimca,ah muxaadaro cinwaan keedu yahay (miyay simanyihiin kuwa waxyaqaana iyo kuwa aan wax aqoonin?) kajeediyay masaajidka bilaal ee magaalada jigjiga
Muxaadaran oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad ubadan oo ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan rag iyo dumarba ayaa waxuuu sheekhu kaga hadalay faa,iidada uuleeyahay cilmigu iyo dhibaatada uuleeyahay jahligu isaga oo isbarbardhigay faa,iida cilmiga iyo dhibaatada jahliga.
Sheekha ayaa ku booriyay dadkii ka sooqaybgalay muxaadaradan in wakhti iyo maalba lagubixiyo raadidinta cimiga guud ahaan gaar ahaanna cilmiga shareecda islaamka.
Sidookale sheekhu waxuu kubooriyay bulshadii muxaadarada ka sooqaybgashay in dar,ilaahay,waxloobarto lagana fogaado riyaaga iyo in wax loobarto in aduunyo uun laguhelo.
no images were found
Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamed Shible ayaa labadii isbuuc ee ugu danbaysay kusugnaa dawlada deegaan soomaalida itoobiya isaga oo muxadaraad iyo duruus kala duwan ka waday magaalooyinka kala,ah jigjiga ,Diridhabo Qabribayax,iyada oo lagu wado in uu gaadho sheekhu gobalada iyo dagmooyinka kale ee uu deegaanku k akooban yahay.
Waxii war ah ee ku saabsan Sheekha iyo safarkiisan dacwadeed ee uu kujoogo gobalkan waan idinla soo socod siin doonaa inshaa alaah.
Halgan.net
Jigjiga