Shirkii maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ka furmay Kismaayo
February 28, 2013 - Written byKismaayo:-Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose Shirkii maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Shirka ayaa saaka waxaa ergooyinka ka qayb galay shirka la arkayey iyagoo iskugu tegaya xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka magaalada Kismaayo. Shirka maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa ka qayb galay dhaamaan beelaha dega gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaan beeluhu ay soo dirsadeen dadkii u matali lahaa shirka. Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seerar oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu xaqiijiyey in Shirka maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu si rasmi ah u furmay amaanka magaalada Kismaayo iyo goobta uu shirku ka socdana amaankeeda ay aad u sugayaan ciidanka dalka Kenya iyo kuwa Raaskaam booni.
Shirka maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa lagu casumay in ay ka soo qayb galaan madaxda ugu saraysa dowllada Federaalka Soomaaliya balse ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga soo qayb gashay taas oo muujinaysa in uu weli jiro mad madow u dhexeeya Madaxda dowllada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamula u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Madax weynaha DFS ayaa la sheegayaa in ay ku kala aragti duwan yihiin qaabkii maamul loogu samayn lahaa Gobollada Jubooyinka iyo Gedo iyo halka ugu haboon ee lagu qaba nayo shirka maamul u samaynaya Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
A/cawaale
Halgan.net