Wafdi wasiiro ah oo ka tirsan DFS oo gaaray magaalada KIsmaayo(Masawiro)
March 24, 2013 - Written byKismaayo:-Wafdi ka socda DFS oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ayaa gaaray maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana ay hordhac u yihiin socdaal uu Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon uu ku tagi doono magaalada Kismaayo maalinta birito ah.
Wafdiga maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed ,wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsanDFS waxaana la filayaa in ay kulan la qaataan madaxda maamulka KMG ah ee Kismaayo.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Raadeer ayaa warbaahinta u sheegay in ay mas’uuliyiinta DFS ay soo gaareen magaalada Kismaayo ayna horudhac u yihiin booqasho la filayo in uu Raisulwasaare Saacid ku yimaado Degmada Kismaayo.
no images were found
Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana ciidamo faro badan la dhigay dhamaan wadooyinka magaalada Kismaayo waxaana la baarayaa gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo guryaha qaarkood .
Cabdi Yare
Kismaayo