Wafdi ka socdey EU oo soo gaaray magaalada Garoowe xarunta Puntland.
March 26, 2013 - Written byGaroowe:-Waxaa goordhow soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland wafdi ka socda EU waxaana wafdiga horkacaya Ergayga Maraykanka u qaabilsan Somalia Ambbasador James Swan.Wafdiga ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan Maamulka Puntland waxaana wafdiga uu ka kooban yahay Safiirada safaaradaha Maraykanka ,Britain ,Sweden iyo Italy.
Wafdiga ka socda EU ee saaka soo gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada Puntland waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole waxaana haatan u socda kulan,.Kulanka ka dib ayaa waxaa la filayaa in wafdiga ka socda EU iyo Madaxweynaha Puntland ay la hadlaan warbaahinta
Halgan.net ayaa dhawaan idiin soo gudbin doonta wixii soo kordha Inshalaah .
M_M Deeq
Halgan.net