Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi oo sheegay in uu taageeri doono DFS
March 27, 2013 - Written byQadar:-Madaxweyne Mursi oo ka hadlayey shirkii Jaamacadda Carabta , ayaa sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad kala guur ah, wuxuuna carrabka ku dhajiyey in baahi weyn loo qabo sidii Soomaaliya loo gacan qaban lahaa, isagoona si gaar ah hadalkaas ugu soo jeediyey dalalka Carabta.
Madaxweynaha Masar, ayaa sheegay inuu Soomaaliya dalkiisu ka taageerayo dhinaca dibu u dhiska ciidanka iyo gacan ka geysashada ammaanka waddanka Soomaaliya.
Maxamed Mursi, ayaa sheegay in dalkiisu waligiisba garab taagnaa dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay sii wadayaan garab taagnaantooda waddanka Soomaaliya, wuxuuna dalalka kale ee Carabta ugu baaqay inay taageere dhaqaale u fidiyaan Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha Masar, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero siyaasadeed ka heshay inta badan dalalka caalamka.
Somali Real/Halgan.net