Wafdi ka socda S/land oo u u Ambabaxay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga
July 6, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Wafdi ka kooban wasiiro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka S/land ayaa u boqoolay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga halkaas ooo ay kulan kula qaadan doonaan wafdi ka socda Dowlada federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sheegay in ay sababaha ay ugu dhoofeen dalka Turkiga uu yahay in la sii anba qaado wajiga labaad ee wadahadaladii u dhexeeyey S/land iyo DFS kaas oo ka dhici doona magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.
Wafdiga ka socda S/land ayaa waxaa laga reebay xisbiyada ka jira S/land waxaana ay taasi abuurtay buuq siyaasadeed .Siyaasiyiin iyo xubno madax u ah xisbiyada Mucaaradka ee S/land ayaa eedeeyno kala duwan u soo jeediyey xibiga talada dalka haya.
Wafdiga S/land ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu daray xubno ka tirsan golaha Golaha Wakiilada iyo kan Guurtidda waxaana la filayaa in isbuuca soo socda ay furmaan wadahadalada S/land iyo DFS.
A/Cawale
Halgan.net