Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ”Wasiir Soo-cade awood u ma leh in uu kala diro maamulka Rugta Ganacsiga.”
September 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid aya wax laga xumaado oo sharci daro ah ku tilmaamay go’aan ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Soo-Cade uuna ku sheegay in uu kala diray maamulkii rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ay tahay hay’adda madax banaan cid kaliya ee hogaankeeda kala diri kartana ay tahay oo kaliya Madaxweynaha Puntand iyo maamulka Golaha sare Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.
Guddoomiyaha Siciid ayaa yiri ” Waa su’aale xaggee awood intaas la ‘eg ka keenay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xassan Soo-Cade, waxaa haboon in wasiirka sharciga u yaal dalka uu u hogaansamo uuna ogaadon cid kaliya ee leh awoodaas waa Madaxweynah Puntland iyo Boodhka Rugta ganacsiga. Ma ah markii ugu horaysay oo uu Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soo-cade uu sheego in uu kala diray hoggaanka Rugta Ganacsiga, balse maanta waxaa uu war uu marsiiyey saxaafadda uu sheegay in laga bilaabo maanta aysan sii shaqan karin Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo ay ku midaysan yihiin ganacsato fara badan.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Soo-Cade ayaa saxaafadda u sheegay in talaabada uu qaatay ay sax tahay ayan waafaqsan tahay sharicga Puntland isagoo ku dooday in ay muhiim tahay in doorsho la sameeyo.
Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa ah hay’adda madax banaan oo leh sharci u gooni ah waxaan kala diri kara oo kaliya Golaha sare ee Rugta Ganacsiga ama Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas.
M_M_Deeq
Halgan.net