Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqasho ku tegay Kismaayo.[Masawiro]
September 10, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya, Fatiha Serour, ayaa maanta booqday ku tegtay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulantay madaxda sare ee maamulka Jubba gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubba Abdulkadir Mohamed Lugadere .
Wakiilka ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya SRSG Fatiha Serour,ayaa markii ay timid magaalada Kismaayo waxaa ay u mahad celisay madaxda maamulka Jubba iyadoo xustay in ay soo dhaweynayaan hishiiskii Kismaayo ayna diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan arrimaha horumarinta iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Wafdiga Wakiilka ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya SRSG Fatiha Serour ayaa markii ay tegtay Kismaayo waxaa ay booqatay maleeshiyaadkii daacadda u haa Col. Bare Hiiraale oo dhawaan dib loogu soo xareeyey magaalada Kismaayo ka dib hishiis la wada gaaray.
Wafdiga ka socday (UNSOM) ayaa waxaa sameeyeen balan qaad ah in maleeshiyaadkii daacadad u ahaa Col. Bare Hiiraale iyo cid walba oo qaadata nabad loo sameeyo dib u dejin iyo tababar ciidan oo ay qayb ka qaadanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net