Madaxweynaha dowladda Puntland oo safar ku tegaya Muqdisho
February 4, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa i uu dhawaan safar shaqo ku gaaro magaalada Muqdisho ee caasimaad Soomaaliya, Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa u jeedkiisa lagu sheegay shir wada tashi oo Madaxda Dowladda Federaalka ay la yeelan doono Hogaamyaasha maamullada dalka ka jira si loo gaaro is faham Hiigsiga 2015-2016.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala hadli dooni khilaafka hareeyeydhismaha xukuumaddda Federaalka Soomaaliya oo ilaa labo jeer dib loo dhigay ansixin tooda.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa casumaad rasmi ah ka hellay madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaan hadda ka socda garoonka diyaaradaha ee Garoowe qaban qaabada safarka Madaxweyne Gaas uu ku tegayo magaalada Muqdisho.
Shirka wada tashiga ee a dacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galaya Dowladda Puntland , Maamulka Jubaland , Maamulka Koonfur Galbeed iyo maamullada kale ee dalka ka jira waxaa kale oo shirkaan ka qayb galay xubno ka tirsan beesha caalamka.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.
M_M_Deeq
Halgan.net