Maamulka Jubaland oo cambaareeyey qaraxii ka dhacay Hotel Central ee Muqdisho (Daawo)
February 22, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Maamulka Jubaland ayaa cambaareeyey qaraxii ka dhacay gudaha Hotel Central ee Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux waxaana sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay 5o kale.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madxtooyada Maamulka Jubaland ayaa waxaa ku saxiixan Afhayeenka Maamulka Jubaland C/naasir Seeraar Maax waxaana uu ku tilmaamay weerarkii ka dhacay Jimcaha Hotel Center mid waxashnimo ah.
Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay Maamulka Jubaland ka soo saareen Qaraxii Hotel Center. no images were found
Dhanka kale waxaa qaraxa si adag u cambaareerer Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) wuxuuna sheegay in la baaro cida fududeysay qaraxii ka dhacay Hotel Center.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa waxaa wuxuu ugu baaqay DFS iyo Maamulada ka jira dalka in ay ka run sheegaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka Daawo shirka Jaraa,id ee Madaxweynaha Jubaland uu ku qabtay magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kismaayo