Ardayda jaamacadda Bariga Afrika oo deeq lacageed iyo agab kale gaarsiiyey walaalaha ka soo qaxay Yemen.[Masawiro]
June 12, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Ardayda jaamacadda Bariga Afrika ayaa maanta deeq gaarsiiyey qaxootiga ka soo qaxay Yemen ee ku jira xerada qaxootiga magaalada Bosaaso. Deeqda la gaarsiiyey qaxootiga ayaa isugu jirtay dawo, raashiin, dhar iyo lacag cadaan ah oo dhan 570 doolar.
Xafladda lagu wareejinayay deeqdan lacageed oo ardayda ay uga qayb qaadanayaan taakulada loo samay nayo qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen ayaa lagu qabtay xafiiska Mu’asasada Al-minhaaj ee Bosaaso, waxaana soo ka qayb galay ardayda, xubno ka socday gudiga gurmadka qaxootiga, jaamacadda, maamul ka minhaaj iyo qaar ka mid ah culumada Puntland.
Ustaad Maxamad Faahiye Ciise oo ah madaxa xiriirka ardayda ee jaamacadda oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ardayda jaamacadda ay dadaal dheer u galeen sidii ay u caawin la haayeen qaxootiga walaalahooda ah ee soo gaaray magaalada Bosaaso.
Ardayda dhexdooda ayaa waxa ay iska soo aruuriyeen, raashiin, dawo, dhar iyo lacag cadaan ah, waana ardaydii ugu horeysay ee reer Puntland ah oo ka qeyb qaadata gurmadka qaxootiga ayuu yiri Ustaad Faahiye.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay afahayeenka gudiga gurmadka qaxootiga Sheekh Cismaan Xaaji Dirir oo u mahad celiyey ardayda sida wanaagsan oo ay isku soo xil qaameen. Gudoomiyaha Mu’asasada Al minhaaj Sh.Maxamed Cabdullaahi Cabdule ayaa dhankiisa xusay in wax lagu farxo ay tahay talaabadan ay ardayda qaadeen , waxaana uu ugu baaqay ardayda kale in ay ku daydaan.
Si kastaba ha ahaatee deeqda ayaa waxaa lagu wareejiyey Al-minhaaj oo iyadana ku wareejisay gudiga gurmadka qaxootiga.
no images were found
Mu’asasada Al minhaaj
Boosaaso,Halgan.net