Madaxweyne Gaas oo kula la qaatay ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee QM Mr. Raisedon Zerenga
June 13, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-6-2015 xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga.
Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxaa ka qeyb qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dawladda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, maamulka degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.
Intaas kadib ayaa ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga iyo Martidii la socotay waxaa loo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland oo ay kullan gaar ah kula qaateen Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas.
‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .
‘’ Waxaana uu noogu yimi inaanu ka wada hadalano xiriirka Qaramada Miboobay iyo Puntland , mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha Puntland, nabad-gelyada iyo taageerada qaramada mibaaysiiso Soomaaliya ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Raisedon Zerenga ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawada gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaaray mudadii uu hogaanka hayey.
Horumarka balaaran ee laga gaaray kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhanka amaanka Puntland ayuu bogaadiyey Mr. Raisedon Zerenga oo booqashadiisi ugu horaysay maanta ku yimi gudaha Puntland gaar ahaan Caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.