Madaxweynaha Puntland oo direy hambalyada maalmaha Xornimadda Soomaaliyeed.[Dhagayso]
June 25, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaali yeed meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalmaha xoriyadda Soomaaliya oo inagu soo aadan , islamar ahaantaana ah maalmo taariikhi ah.
‘’ Waxaan ugu horeyn hambalyeeyn maalinta 26-juun oo ah maalintii ugu horaysay ee dalka laga taagay calan Soomaaliyeed iyo maalinta xigta oo 27-juun ah oo ah maalintii xoriyadda walaalaheena Jabuuti iyo sidookale maalinta 1-da luulyo oo iyana nagu soo aadan ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo , rabina uu ka saaro dhibaatooyinka dalka ka jira .
‘’ Waxaan rajeynaynaa inagoo mid ah Soomaali ah meelna u wada socda in aynu hanano dawladni madeeni iyo qaranimadeeni si buuxda oo wanaagsan , dawladnimo Soomaaliyeed ayaa dhammaanteen ina deeqda ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa sidookale si gaar ah ugu hambalyeeyey shacabka iyo dawladda Jabuuti sanadguuradooda 38-aad ee ka soo wareegatay xornimadoodi.
Hoos ka Dhagayso Hambalyada 26 Jun ee Madaxweyne Gaas uu u diray shacabka Soomaaliyeed
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/yky9fjeu9j/Hambalyo26jun.mp3]-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland