Ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya oo ku soo qulqulaya deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool

February 19, 2012 - Written by

Baydhabo:-Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa saaka waxaa laga dareemayaa Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, halkaa oo ay ku soo wajahan yihiin ciidamo itoobiyaan ah oo ay weheliyaan kuwa DFKM sida ay xaqiijiyeen dad socota ah ciidamada Itoobiyaa ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada guud ahaan gobalada Gedo iyo Bay iyo Bakool .
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa la sheegay in ay soo gaareen duleedka Degmada Yeed waxaana ay cabsi soo wajahaday dadka rayidka ah ee ku dhaqan Degmada Yeed.

Gudoomiyaha Degmada Ceel Barde ee DFKM Ibraahim Cumar Dheere, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay Al-Shabaab ka qabsadaan deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool isaga oo ku eedeeyey Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan gobalada Bay iyo Bakool .

Afhayeenka howlgalada ee Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa wacad ku maray in ay si adag isaga difaaci doonaan duulaanka ay soo wadaan ciidanka Itoobiya isaga oo sheegay in ay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa ciidanka itoobiya waxaana uu ugu baaqay shacabka Bay iyo Bakool in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.

A/Cawale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Bismillah waxaan is leeyahay hadii ay alshabaab ay wadaan wax kheir ah ma aysan ka soo tageen dhulka ay u dhasheen,ee uma ay u imaadeen dad masaa kiin ah oo aan hubeysneyn oo beerahooda iska beeranayaan. Inta ay qoryo madaxa kaga qabtaa dad masaakiin ah uu ku yiraahda nala baayactama markaa ka dibna ay xoolahooda iyo dadkoodaba ay yeeshaa Dadkaasi wa waa dad lahaysta oo u baahan in laga xureeyo dadkan iska dhaadhiciyay in ay yihiin dad diinta iyo dalka ka badbaadinaya gaalada.
    Illaah wadankan ma hagaa jinayo maxaa yeelo inta ay ku tumanaan dadka aan caado u lahayn in ay qoryo qaataan ama awoodba u lahayn Allow xaqa mar uun soo daahiri.

  2. Aad baan usoo dhowenayaa in Al-shabaab laga saaro Somaliya. Umadii bay dhameeyeen waana caqabad horumarka Somaliya.

Leave a comment

*