Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay Buuhoolde

February 8, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxwaynaaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Faroole ayaa maanta  xili uu khudbada ka jeedinayey xaflad loogu magacdaray daahfurey Dastuurka Puntland oo ka dhacday magaalada Garoowe waxaa uu soo hadal qaaday dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole  ayaa ku tilmaamay dagaalka saaka ka dhacay Buuhoodle mid nasiib daro ah isagoo ku eedeeyey maamulka S/lland in ay ciidankoodu uu soo weeraray magaalada  Buuhoodle isagoo ugu baaqay in ciidamadoodu ay ku noq daan fariisamahoodii ay ku sugnaayeen 15 Janaayo 2012 ka hor intii aysan bilaaban colaad ka dhacday Buuhoodle. Madaxweynaha Faroole ayaa xusay in ciidanka S/lland ay ciilashii biyaha ee dadka reer miiga ay ka cabi lahaayeen ay ka fariisteen taas oo ah mid ayaan daro ah.

Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo mar uu ka hadlayey colaad Buuhoodle iyo dagaalka ayaa yiri ” waxaa jira kuwa iyagu meel aan waxba ku jirin xukun ku raadinaya oo dhiiga shacabka raba in ay meel ku gaaraan hadba dhinac u soconaya siyaasada Soomaaliyana ku fashilmay da,ahaan iyo sharaf xumo ahaan , Maalintii la soo weeraray Buuhoodle ku sugnaa ka dibna  u cararay Itoobiya cida ma matalaan  waxaan u sheegayaa dowllada Itoobiya oo jecel in wax dagaal ah dhexmarin Puntlland iyo S/lland in ay la hadlaan Siilaanyo waa uu la joogaaye kuwa kale ee qaswadayaasha ahna aysan waxba ka dhagaysan”.

Madaxwaynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxaan Faroole ayaa ugu baaqay maamulka S/lland in ay ciidankooda kala baxaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool inta aysan madaxdoodu imaan shirka ka dhacay magaalada London, isagoo ku nuuxnuuxsaday in cid walba ay xaq u leedahay in ay ka tashtaan aayahooda, Beesha caalamka waxaa ka cod sanaynaa in ay shirka ugu yeeraan kuwa nabad Soomaaliya jecel oo aan dadka ka shaqeeya colaada aysan ugu yeerin in ay ka soo qayb galaan shirka ka dhacay magaalada London 23 Feberaayo 2012.

Ugu danbayntii ayaa Madaxwaynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxaan Faroole waxaa uu ka codsaday bulshada ku nool degaanada Puntlland in ay ilaaliyaan midnimadooda kana shaqeeyaan nabadgelayadooda  haddii ay yihiin beel ama degaano si dadkood iyo soomali inteeda kale ay u horseed u noqdaan nabad waarta sidii magaalada Garoowe loogu shiray looguna shiri doono Soomaalina ay taariikh wanaagsan iyo nabadgelyo ugu horseedaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online